Waqooyiga Kuuriya Oo Danaynaysa Dib U Dhiska Waddanka Suuriya

0
22

Dawladda Waqooyiga Kuuriya wafti balaadhan oo ka socda ayaa gaadhay Dalka Suuriya, waxaanay sheegeen in ay si weyn u danaynayaan dib u dhiska dalkaasi oo ay baabiiyeen dagaalo muddo dheer ka socday.

Sida ay baahisay wakaalada wararaka ee Dalka Suuriya waftigan ayaa waxa hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee Waqooyiga Kuuriya  Pak Myong Guk, waxaanay sheegeen in ay ku rajo wayn yihiiin in ay dib u dhiska dalkaasi ka shaqeeyaan.

waftigan oo dalkaasi soo gaadhay Arbacadii Shalay ayaa waxa ay heshiisyo waaweyn la galeen Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya, waxaanay intaasi ka dib la sheegay in ay duuleen dhinaca dalka Iiraan.

Dalka Suuriya oo ay colaadu ka bilaabantay Sanadkii 2011, waxaa dhaqaalaha ku baxaya dib u habayntiisa lagu sheegay in ay kor u dhaafayso balaayiin doollar, hasayeeshee waxa aanay suurto gal ka noqonayn cuno qabatayn ku saabsan dagaaladda ay xukuumadda suuriya kula jirto mucaaradka oo ay ku soo rogeen maraykanka iyo midawga yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here