AAS-AASAHA SHABAKADDA WIKILEAKS EE SIRAHA CAALAMKA FAAFISA OO XABSIGA LA DHIGAY

0
20

London(Saxilnews.com)-Booliska magaalada London ayaa sheegay inay aas-aasaha shabakadda WikiLeaks Julian Assange ku xidheen safaaradda Ecuador ee magaaladaas.

Booliska ayaa sheegay in lagu xidhay amar maxkamadeed oo lasoo saaray sanaddii 2012-kii.

Bayaan ay soo saareen ayay booliska ku sheegeen in Assange oo la kaxeeyey xarunta booliska magaalada London, halkaasi oo uu joogi doono ka hor inta aan la horkeenin maxkamadda Westminster Magistrates, sida ugu dhaqsiyaha badan.

Assange ayaa ku dhex noolaa oo aan kasoo bixin safaaradda tan iyo bishii August ee 2012, isaga oo ka cabsanaya in haddii uu kasoo baxo dhulka diblomaasiyeed ee Ecuador in la xidhi  doono loona masafaurin doono dalka Mareykanka.

Assange ayaa Mareykanka looga haystaa inuu daabacay kumanaan dokumenti oo ah sirta milatari iyo diblomaasiyeed ee Mareykanka.

Xadhigiisa ayaa ka dambeeyey kadib markii dowladda Ecuador ay kala laabtay magan-galyadii ay siineysay.

Madaxweyne Ecuador, Lenin Moreno ayaa sheegay in Britain ay u damaanad qaaday in Assange aan loo masaafurin doonin dalalka fuliya xukunada dilka ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here