Ra’isulwasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay in ay ku dhawaaqi doonto dib u habeyn lagu sameeyo qawaaniinta haysashada hubka maalmaha soo socda kadib weerarkii lagu qaaday masaajid dalkaasi Christchurch kaas oo sababay dhimashada 50 qof oo muslimiin ah.
Ms Ardern waxay sheegtay in hindisaheeda wax kabadalka sharciga isticmaalka hubka ay tageereen goloheeda wasiiradu.
Sideed iyo labaatan jirka u dhashay Australia Brenton Tarrant oo isku magacaabay kooxda caddaan u dirirka ayaa loo maxkamadeynayaa dhacdadan.
- Dad lagu laayay labo masaajid oo New Zealand ku yaalla
- Sheekoonyinka halyaynimada ah ee ka soo baxaya weerrarkii Masaajidda
- Qofkii ugu horreeyey ee ku dhintay weerarkii New Zealand oo la shaaciyey
Booliiska ayaa sheegay in ninka falkan sameeyey uu u qalabaysnaa sida milatariga isagoo isticmaalay hubka wax gumaada oo sababay dhimasho badan,sharciga waqtigan jira ayaa ah mid u fudud ogolaashaha hubka darandooriga ah.
Maxay isku raaceen wasiiradu?
Ma jirto faahfaahin dheeraan ah oo ay bixisay ra’iisul wasaaruhu balse waxay sheegtay in dhawaan ay soo saari-doonto warsugan.oo la xariira sharciga haysashada hubka.
”Toboneeyo casho gudahood weerarkan waxaan ku dhawaaqi doonaa isbadalka xakameynta haysashada hubka waxaan aaminsanahay in ay badbaado u tahay shacabkeena” sida ay sheegtay Ms Ardern.
Maxaa laga ogyahay hubkii loo isticmalaay weererka?
Usbuucii la soo dhaafay Ms Ardern waxay sheegtay in ninkan la tuhunsan yahay uu haystay waqrada ogolaanshaha shan qori oo uu helay bishii November sannadkii 2017.
Isniintii hore dukaanka hubka lagu iibiyo ee Gun City ayaa cadeeyey in ay iibiyeen afar qori balse aysan iibin hubka sida xun wax loogu gumaaday masaajidka.
Madaxa iibka hubka ninka lagu magacabo David ayaa shir jaraa’id ku sheegay in laga iibiyay ninkan hubka daran-dooriga u dhaca sida sharciga wadanku waafaqsan yahay loogu tala-galay qiyaas rasaas kooban oo gaadhaysa todoba xabaddood, muuqaalka laga arkayay ninkan weererka geystay ayaa muujinayay isticmaalka qasnado badan oo rasaas ah, markii uu falkan fulinayay.
Guud ahaan wadanka waxaa lagu qiyaasaa in ay haystaan 1.5 million oo hub shariciyaysan dadka ku nool wadanka New Zealand.
Weerarka kadib waxaa soo baxayay dadaalo lagu dalbanayo in la joojiyo dhamaan hubka daran-dooriga u dhaaca sharcigaas oo hore looga hirgaliyay wadamada Australia iyo Canada.
Isku dayo hore oo lagu doonayay in lagu adkeeyo sharciyada hubka wadanka News- Zealand ayaa waxaa ka hor yimid olole xoogan iyo dhaqanka ugaadhsiga
Sharciga cusub ee ogolanshaha hub-qaadashada New Zealand
-Ugu yaraan waxaa dalban kara sharciga hubka inta u dhaxeeysa 16 ilaa 18 jir
-Qof walba oo hub haysta waxaa laga doonayaa warqada ruqsada
-Qofka dalbanaya dabridista waxaa la marsiinayaa baaritaan la xariira danbiyo iyo cafimaadkiisa oo lahubinayo.
– Sharcigan qofka hela waxaa loo ogol yahay iibsashada hub farabadan
Talaaboyinkan lagu adkaynayo adeegsiga hubka wadanka New-Zealand ayaa imaanaya kadib markii Jimcihii la soo dhaafay la weeraray laba masaajid oo ay dadka mulimku ku cibaadaysanayeen,weererkaas oo sababay dhimashada dad gaaraya 50 qof.