PUNTLAND”MAXKAMADA GOBOLKA NUGAAL OO XUKUN DIL AH KU XUKUNTAY DHALINYARADII GAALKACAYO KUFSIGA IYO DILKA UGU GEYSTAY MARXUUMAD CAASHA ILYAAS OO 12 SANO JIR AHEEN

0
20
Maxkamada derejada 1aad ee gobolka Nugaal-Garoowe

Garoowe(Berberatoday.com)-Maxkamada sare ee Puntland ayaa amar ku bixisay in xabsiga lagu sii hayo 5 nin oo dhalinyaro ah oo ku eedaysnaa in ay magaalada Galkacayo ka gaysteen kufsi wadareed 22kii bishii febraayo ee sanadkan.

Maxamed Xareed Faarax oo ah ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sheegay in 5ta nin maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah iyadoo loo cuskaday Suuratu Maa’ida Aayadda 33aad, xeerka kusiga iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

wuxuu sheegay in 4 ka mid ah dhalinyarada laga soo qabtay magaalada Qardho, halka midka 5aad laga soo qabtay Galkacayo. Waxaa uu intaa ku daray ay dhalinyaradu qiraal ku yihiin dambiga ay galeen

Dhalinyarada ku eedaysan Kufsiga ayaa kala ah

  1. Cabdirisaaq Xamed Cilmi, da’diisu tahay 18 jir 
  2. Cabdirisaaq Cali Cabi, da’diisu tahay 18 jir 
  3. Yusuf Cabdullaahi Xirsi, da’diisu tahay 18 jir 
  4. Ugaas Mire Barre, da’diisu tahay 19 jir 
  5. Cismaan Maxamed Cabdulaahi, da’diisu tahay 18 jir.

Kiiska maxkamada gobolka Nugaal xukuntay lama xiriiro kufsi wadareedkii ka dhacay Magaalada Galkacayo toddobaadkii hore kaasi oo dil iyo kufsi loogu gaystay gabar 12 jir ah oo lagu magacaabi jiray Caasho Ilyaas Aadan. Falkaas oo la sheegayo inay ka dambeeyeen ilaa 7 ruux waxaa ka dhashay banaanbaxyo ballaaran oo shacabku dalbanayeen in cadaalada la horkeeno ragii dilka iyo kufsiga gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here