Copyright: AFP
Baarlamaanka dalka Burundi ayaa taageeray go’aan dowladda Burundi ay ku dooneyso in dhammaan ciidammada nabad ilaalinta ee ka joogo dalka Soomaaliya ay kala soo baxdo halkaasi.
Burundi waxay ku hanjabtay in ciidammada ay kala soo baxeyso Soomaaliya waa haddii Midowga Afrika uu ku adkeysato in ciidammo gaarayo 1000 uu kala soo baxa halkaasi.
Wasiirka gaashaandhigga Burundi,Emmanuel Ntahomvukiye, ayaa baarlamaanka u sheegay in dowladda ay horraan ku waregelisay Midowga Afrika go’aanka go’aankan.
Burundi waxaa ka jooga dalka Soomaaliya ciidammo gaarayo 5000.
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tegay dalka Burundi.