DAAWO MUUQALKA”42 ASKARI OO KA TIRSAN CIIDANKA DAB-DEMISKA SOMALILAND OO TABOBBAR LOO SOO XIDHAY

0
18

Hargeysa(SAXILNEWS.com)-42 Askari oo ka tirsan Ciidanka Dab-demiska Somaliland ee magaalooyinka Burco, Hargeysa, Gabiley iyo Boorama, kuwaas oo muddo sagaal bilood ah baranayey tabobbar la xidhiidha shaqada ciidanka dabdemiska iyo sida ay ula tacaali lahaayeen dabka.

Munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Dabdemiska,Talye Xigeeenka, Maayorka Caasimada Hargeysa, Maayorka Degmada Gabiley, Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska iyo Masuuliyiin kale oo badan.

Ugu horayn taliyaha ciidanka ayaa halkaa hadal dheer ka jeediyay, waxaanuu ka warramay marxaladihii ay soo mareen dufcadani iyo Tababarada ay soo qaateen, waxaanuu taliyuhu tilmaamay in ciidankani Tababar dhamaystiran soo qaatay, laga bilaabo maantana ay ku hawlgeli doonaan xirfada lagu soo tababaray.

Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco ayaa isaguna dhankiisa hadalo dardaaran iyo waano iakugu jira u diray Dufcadaa Tababarku u dhamaaday, waxaanuu kula dardaarmay inay dadkooda iyo dalkooda ugu adeegaan cilmigaa ay barteen.

Wasiirka ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Maxamed Muuse Diiriye oo Tababarkaas soo xidhay ayaa halkaa hadal dheer ka jeediyay waxaanu sheegay in ciidanka dab-demisku ka mid yahay ciidamada ugu muhiimsan Qaranka, kuwaasi oo markasta heegan ugu jira sidii u badbaadin lahaayeen muwaadiniinta Somaliland, waxaanuu ugu dambayn wasiirku halkaa ugu soo xidhay 42 Askari oo  qaatay tababar Muddo 9 Bilood ah ugu socday Magaalada Hargeysa.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka iyo Hadallada Masuuliyiintu jeediyeen

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here