GEDOOD KA DHASHAY GABADH AFAR WIIL KUFSADEEN, MUUQAAL AY KA DUUBEENNA BAAHIYEEN OO GALGUDUUD SOMALIYA KA TAAGAN

0
19

Guriceel(saxilnews.com)-Dadka ku nool deegannada Galmudug, ayaa cadho xooggan ka muujiyey Kufsi gabadh 14 jir ah afar Wiilal oo dhalinyaro ahi ugu geysteen deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo markii dambe gacanta lagu soo dhigay, isla markaana maamulka gobolku Warbaahinta u soo bandhigay, ayaa aad looga cadhooday dhaqankay ku kaceen, ka dib markii ay baraha bulshada ku faafiyey muuqaal ay ka duubeen iyaga oo gabadha yar kufsanaya.

 

Cadhada iyo diidmada dadka deegaanku ka qaadeen Kufsigaas, ayaa sababay inay isu soo baxaan Dadku, gaar ahaan Dhalinyarada iyo Haweenka oo iyagu si cad u muujiyey siday uga xun yihiin kufsiga, sida badheedhka ah loogu sameynayo gabdhaha. Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si cadho leh uga hadlay, una cambaareeyey falkaas.

Waxa cadhada sii xoojiyey muuqaalka ay ka duubeen iyagoo gabadhaas kufsanaya kufsadayaashu, isla markaana ay baraha bulshada ee internet-ka ku faafiyeen, dhaqankaas oo ah mid fool xun oo axmaqnimo iyo anshax-darro badan muujinaya, ayaa dhalinyarada kufsiyada geysta ee Reer Soomaaliya la soo baxeen beryahan dambe.

Maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa shalay galab Guriceel ku soo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ay sheegeen inay ku eedeysan yihiin kufsigaas, lagu caddaynayo inay si wadar ah u kufsadeen gabadh yar oo ardayad ah oo dad’deeda 14 jir lagu sheegay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sameeyay dibad bax ay ku cambaareynayaan dhacdadaas, sidoo kalena ay ku dalbanayaan in caddaaladda la marsiiyo raga geystay falka ay ku tilmaameen mid wuxuushnimo ah, sida ay BBC-da oo dadka deegaanka waraysatay tebisay caawa.

Xubnaha qoyska ay gabdha dhibbanaha ahi ka soo jeeddo oo ay BBC-du la xidhiidhay,  ayaa ka gaabsaday iney faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaas saameynta baaxadda leh ku yeelatay, waxaanay ka cudur-daarteen iney xilligan ka hadlaan.

Hase-ahaatee, dadka falkaas aad uga xanuunsaday kana dhiidhiyay waxaa ka mid ah Nafisa Xirsi oo ah saxafiyad gobolka daggan, waxayna nooga warrantay sida ay wax u dhaceen.

“Waxaan maqlay in gabadha ay saaxiib la ahayd mid ka mid ah 4-ta wiil ee kufsatay. Dadka qaar waxay sheegayaan iney xaafad ugu tagtay, qaarna waxay dhaheen gaari ayaa lagu qaatay. Laakiin, si walbaba haku tagtee, waxaa la geeyay guri, muuqaal laga soo duubay iyadoo ka codsaneysa iney sii daayaan ayaa la soo dhigay baraha xiriirka bulshada, aniguna waxaan ka mid ahay dadkii arkay muuqaalkaas.” Sidaas ayey tidhi Nafiisa Xirsi.

Waxay Nafiisa intaas ku ladhay oo ay tidh; “Waxaa la sheegay in wiilasha qaarkood ay iyagoo aan wax dhar ah qabin iyaduna ay qaawan tahay ay la galeen sawirro, markii la kufsadayna waxaa lagu yiri muuqaalladan ayaan kaa heynaa, haddii aad na sheegtana way faafayaane ogow”.

Nafisa ayaa sheegtay in raggii gabood falkan lagu eedeeyay ay hadda ku jiraan gacanta ciidanka amaanka. “Maalmo ka dib muuqaalladii waxay soo galeen baraha bulshada. Caro weyn ayaa ka dhalatay, ciidamada booliska ee degmada Guriceel ayaa isxilqaamay waxayna soo xireen 4-tii nin ee eedeysaneyaasha ahaa. Gabadhiina waxaa la geeyay Cusbitaallo ku kala yaalla Guriceel, Hargeysa iyo Gaalkacyo, oo ay haddaba ku sugan tahay”.

Gabadhan oo aan wali magaceeda la shaacinin ayaa ahayd ardayad dhiganeysay fasalka 3-aad ee mid ka mid dugsiyada sare ee degmada Guriceel. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa dalbanaya in tallaabo sharci ah laga qaado dhallinyaradaas oo la filayo iney dhawaan maxkamadda ka soo hor muuqdaan.

Nafisa ayaa sidoo kale BBC-da u sheegtay in ficilkan uusan ahayn mid ay dadka deegaanku filanayeen, waxaanay tidhi; “Waxaa deegaannadan ku badan furriinka, sababtuna waa in dadku iyagoo aad u da’ yar ay isguursadaan, maadaama uu aad u sahlan yahay guurka, sidaas daraadeed dadka deegaanka waxay qaadan waayeen in deegaankii oo sidaas uu guurka uga fudud yahay uu haddana ka dhaco fal kufsi ah”.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey Nafisa sheegtay in dhallinyarada kufsigan geysatay ay qaarkood xaasas leeyihiin, waxaanay tidhi; “Waxaa arrin laga argagaxo nagu noqotay in dhallinyaradii oo si fudud ku guursan kara ay ficilkan foosha xun ku kacaan, inkastoo aan maqlay in ragga gabadha kufsaday ay qaar ka mid ah reero leeyihiin xaasaskoodana ay guryaha u joogaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here