Garowe(saxilnews.com)-Puntland, tan iyo Doorashadii Hogaanka cusub kama soo dagin Wax Qaad ah. Arintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha cusub Siciid Deni 13kii Bishan uu joojiyey Cashuur Dhaaf iyo Cashuur Dhimis loosameyn jirey Hay’adaha Madaxa Banaan, kuwa Gaarka ah iyo Ganacsatada qaar.
Ganacsatada Qaadka oo iyagu Ku sugan Magaalada Garoowe ayaa lasheegey in ay kulamo aan miro dhalin laqaateen Madaxweynaha cusub.
Qaadka ayaan hadda kasoo dagin Magaalooyinka Boosaaso, Garoowe, Qardho, Badhan iyo Woqooyiga Gaalkacayo oo hore diyaarad Kenya uga soo waaridi jirtay, balse waxaa hadda Puntland laga sogeliyaa oo uu ka dagaa Koonfurta Gaalkacayo iyo Magaalada Laascaanood.