Hargeysa(saxilnews.com.com)-Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somalilnad, waxay ku wargelinaysaa Bulshada oo ay ogeysiinaysaa inay Adeegayaasha Caafimaadka ka gacan-siiyaan xog-ururin ama sahamin la xidhiidha heerka nafaqada Carruurta Somaliland oo dalka oo dhan ka bilaabantay ama ka socota.
Waxa looga baahan yahay Waalidiintu inay xogta ay rabaan ama su’aalaha ay weydiiyaan hawl-wadeennada caafimaadka ee sahamintan wada ka gacan-siiyaan helitaanka xogta ay rabaan iyo baadhis kooban oo ay carruurta ku samayn doonaan ama kaga qaadi doonaan dhiig ay ka hubinayaan heerka nafaqada ubadka.
Halkan hoose ayaannu idiinku soo gudbinaynaa Farrinta ama ogeysiiska Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland oo dhammaystiran ee kaga bogo Muuqaalkan hoose:-