Burburka qalab uu sida markab kuwa xamuulka ah ayaa ku soo caariyay jasiirad ku taal woqooyiga Netherlands ka dib markii 270 kunteenar ay ka daateen markab xumuul oo ay dabeylo xoogan ku dhufteen.
Qalabkii ku jiray kunteenaradani oo biyaha dul sabeynayo ayaa qabsaday xeebaha ilaa shan jasiiradood oo ay ka mid tahay jasiiradda Terschelling, waxaana ilaalada xeebaha dalkaasi ay badda wali ka raadinayaan qaar ka mid ah kunteenarada la la’yahay.
Kunteenaradani ayaa ka daatay markab lagu magacaabo MSC Zoe oo marayay meel u dhow jasiiradda Jarmalka ee Borkum balse mowjadaha badda ayaa inta badan kunteenaradaasi u qaaday dhanka koonfur galbeed.
Markab kuwa dagaalka ah oo ay isku dhaceen markab kale
Markab basaasidda qaabilsan oo Ruushka kaga dagay biyaha Turkiga
Waxaa la arkayay sawirrada qalabka carruurta ay ku cayaarto iyo qalab kale oo dul sabeynayo xeebaha dalka Netherlands.
Balse mas’uuliyinnta ayaa sheegaya in saddex ka mid ah Kunteenaradaasi ay ka buuxeen waxyaabo sun ah, waxaana ilaalada xeebaha waddamada Netherlands iyo Jarmalka ay dadka uga digeen in ay u dhawaadaan kunteenaradaasi.
Mid ka mid ah kunteenaradaasi ayaa waxaa ka buuxay kiimiko budo ah, waxaana 25 kiilo oo kiimiko ah laga helay jasiiradda Schiermonnikoog.
Markabkaasi oo ka diiwaangashan dalka Panama ayaa laga sheegayaa in uu yahay markabka ugu weyn qaaradda Yurub, waxa uuna qaadi karaa ilaa 19,000 oo kunteenar.
Markabka ayaa waxaa ku dhuftay dabeylo xooggan oo ka dhashay duufaanta Zeetje ee ku dhufatay Woqooyiga Jarmalka, arrintaa oo sababtay in 270 ay ka daataan markabkaasi.
Kunteenaradaasi oo ay wadaan mowjadaha xooggan ee badda ayaa maalintii Arbacada ahayd ku soo caariyay xeebaha Terschelling, Vlieland iyo Ameland, waxaana diyaaradaha ilaalada xeebaha ee waddamada Netherlands iyo Jarmalka ay badda ka baadi goobayeen kunteenarro kale.
Waxaa jirta cabsi ah in kunteenaradaasi ay waxyeeleeyaan maraakiibta kale ee badda maraya, waxaana shirkadda leh markabkaasi ay dalbatay in lala baadi goobo kunteenaradaasi maqan