Toddobo shaqo oo ay halis ku hayso teknooloojiyadda

0
19
Labo nin oo ka shaqeynaya xisaabLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionLabo nin oo ka shaqeynaya xisaab

Haddii ay shaqadaadu aysan tayo laheyn ama markasta aadan curineynin fikrado cusub, marka waa in aad ka fikirtid sidii aad uga gudbi laheyd dhibaatadaasi.

“Shaqo kasta oo si habsami leh oo la qabto isla markaasna la saadaalin karo waxaa lagu qabtaa muddo shan iyo toban maalmood ah adigoo adeegsanaya Koombiitar ama Teknooloojiga” waxaa sidaas yiri John Pugliano oo ah nin arrimaha dhaqaalaha ku takhasusay ahna qoraa.

John Pugliano wuxuu qoray buugaag badan oo ay kamid yihiin ‘Buug la yiraahdo Robotka wuu soo socdaa’ iyo buug kale oo ka hadlaya sida aadanaha uga faa’ideysto teknooloojiyadda.

Isagoo la hadlayay BBC qeybta Mundo ee ku hadasha afka Spaanishka, Pugliano wuxuu shaqada uu kala qaaday shaqooyinka saameynta ku yeeshay teknooloojiyadda ilaa toddobo.

Shaqooyin qaar tiknooloojiyadda ayaa halis ku haysaaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionShaqooyin qaar teknooloojiyadda ayaa halis ku haysaa

Dhaqaatiirta

Inkasta oo dhaqaatiirta si aad ah loogu baahan yahay balse Pugliano wuxuu rumeysan yahay in howsha daqaatiirta ay halis uga imaanyso daweynta loo maro dhanka teknooloojiyadda .

si kastaba ha ahaate, baahida loo qabo dhaqaatiirta siiba xaaladaha degdeg ah ee caafimaadka weli waa mid sare usii kaceysa gaar ahaan dhaqaatiirta qalliinka.

Shan teknooloji oo Africa ku soo kordhaya 2018-ka

Waa kuma Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland?

Qareenimo

Pugliano wuxuu rumeysan yahay inay hoos u dhaceyso howsha ay qabtaan qareenada gaar ahaan dokumentiyada ay diyaariyaan mustaqbalka.

Shaqooyinka sharciga ah uma baahno khibrad badan iyo takhasusaad qoto dheer taas oo baddali karto howsha uu u hayo Koombiitarka.

Xirfadaha qaar ayaa baaqi sii ahaan doonaa mustaqbalkaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionXirfadaha qaar ayaa baaqi sii ahaan doonaa mustaqbalka

Shaqooyinka dhismaha

Naqshadeynta guryaha waxaa horraan lagu guuleystay in lagu sameeyo teknooloojiyadda.

Pugliano wuxuu rumeysan yahay in xirfadda dhismooyinka ay tahay xirfadda kaliya ah ee baaqi sii ahaan doonto ilaa mustaqbalka.

Xisaabiyaha

Howsha ku saabaan xisaabta canshuuraha baaqi ayay sii ahaan doontaa, sida uu shegayo Pugliano, wuxuu rumaysan yahay in dad kale ee sameeyo adeegyada canshuuraha maxalliga ah ay meesha ka bixi doonaan maadama aanan loo qabin wax baahi ah.

Tiknooloojiyada lagula socda ammaanka iyoo baaritaanada dambiyada waxaa isticmaalaa booliskaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionTeknooloojiyada lagula socda ammaanka iyoo baaritaanada dambiyada waxaa isticmaalaa booliska

Shaqada booliska iyo baaritaanada dambiyada

Booliska ayaa hadda dhaqdhaqaaqyada ammaanka iyo baaritaanada dambiyada kula socdaa qalab teknooloojiga ah oo tayadiisu sareyso.

Inkasta oo shaqooyinka aysan lumi doonin balse baahida loo qabo ay yaraan doontaa shaqada gacanta, waa sida uu qabo Pugliano.

Baahida loo qavo teknooloojiyadda oo sare usii kaceysaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionBaahida loo qavo teknooloojiyadda oo sare usii kaceysa

Howsha ka ganacsiga guryaha

Website-yada ayaa isku xiraa ganacsatada iyo dadka guryaha gato si ay uga macaashaan ganacsigan.

Waxa inta badan meesha ka bixi doono waa agaasimeyaasha dhexe ee shirkadaha guryaha kuwaas oo shaqadoodu horraan ay halis gelisay teknooloojiyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here