Axmed Muumin Seed ayaa sidan ka sheegay bandhiga waxqabadka xukuumada Muuse ee sanad jirsatay loo sameeyay, waxaanu mucaaradka ugu baaqay in dalku u baahan yahay mucaaradadooda, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uun yidhi “Dawladu waxay u baahan tahay oo mucaaradku ay xaq u leeyihiin mar walba inay wax toosiyaan oo ay dhaliilaan , mucaarad xisbiga Kulmiye mid ka adag oo dalka soo maray ma jiro imikana ma hayno wax ilaa hadda ka danbeeya laakiin waanu soo dhawaynaynaa waxii mucaaradnimo iyo toosin ah , waayo qaranka ayaa u baahan, laakiin waxyaabaha xaqiiqda ka fog waxay noaon doonaan wax ay bulshadu ka marag kici doonto waayo xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ku xgeenkiisuba waxay ku talaabsadeen meelhii halbowlaha dalkan u ahaa in wax laga qabto