Wiil 40 daqiiqo aasnaa oo isagoo nool lasoo bixiyay

0
22
Eeyaha wax uriya ayaa ka qeyb qaatay howlgalka lagu badbaadiyay wiilkanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionEeyaha wax uriya ayaa ka qeyb qaatay howlgalka lagu badbaadiyay wiilkan

Wiil 12 sano jir ah ayaa isagoo nool la helay ka dib markii uu muddo 40 daqiiqo ah ku aasnaa baraf ku soo dumay hoostiisa, xilli uu ku sugnaa buuraleyda Alps ee dalka Faransiiska.

Cunuga yar oo aan magaciisa la shaacinin ayaa barafka korkiisa kula safrayay qoyskiisa.

Baraf aad u weyn ayaa dusha uga soo dhacay wiilkan, isagoo ordayay oo ka fogaaday xubnaha qoyskiisa ee kor kala socday xaaladdiisa.

Goor dambe ayaa la helay ka dib markii ay soo gurmadeen booliska maxalliga ah ee ka howl gala aaggaas.

Ciidamada badbaadintan sameeyay ayaa adeegsanayay eeyaha wax uriya, kuwaasoo gacan ka geystay in la helo wiilkaasi oo wali nool.

Hase ahaatee waxaa aad loola fajacay in muddo 40 daqiiqo ah uu wiilkan ku dhex noolaa barafka uu ku aasmay hoostiisa, isagoo aan wax neef ahna helin.

Mid ka mid ah askarta ka qeyb qaatay howlgalka badbaadinta ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP ku yiri: “Waa arrin mucjiso ah, sababtoo ah wiilka ma uusan wadanin wax qalab ah oo ka difaaci karay khatartaas”.

“Fursadda ay macquulka tahay inuu qof ugu noolaan karo barafka hoostiisa waa 15 daqiiqo”, ayuu yiri.

Wiilka yar oo lugta ka jabay, wax dhibaato ah oo kalena aan qabin ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaal maxalli ah oo ku yaalla deegaankaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here