Hargeysa(saxilnews.com)-Dawladdaha Kuuriyadda Waqooyi iyo Kuuriyadda Koonfureed ayaa ciidamadoodii kala baxay 22 goobood oo ka mid ah xuduudka dalalkaasi u dhexeeya, kuwaas oo ay ka joogeen ciidamo aad u xoogani, waxa sidoo kale goobahaasi laga qaaday hubkii yaaley, sida ay sheegtay wasaaradda Difaaca ee Kuuriyadda Koonfureed .
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Difaaca dalka Kuuriyadda Koonfureed oo lagu baahiyey wakaaladda wararka dalkaasi ee Yonhap News Agency ayaa lagu sheegay in Kuuriyadda Koonfureed ay 11 meelood oo ay ciidamo iyo hub ka yaaley oo ah xuduudka ay la wadaagto Kuuriyadda Waqooyi ay kala baxday , halka ay sidoo kalena Kuuriyadda Waqooyi dhinaceeda kala baxday 11 meelood ciidamadii iyo hubkii ka yaaley.
Labadan dawladdood ayaa ciidamadooda ka qaadaaya goobaha sida adag loo ilaaliyo ee xuduudka ay wadaagaan ku taala , waxaanay arrintani ka dambaysay kadib markii ay heshiisyo hor dhac ah gaadheen labada dawladdood , waxaana la qorshaynayaa in ciidamadaasi iyo hubkooda laga qaado goobo kale oo ku yaala xuduudka labada dal wadaagaan inta aanay dhamaan bisha November .