Tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed ee qaarada Yurub ee UEFA Champions League ayaa meel aad u xasaasi ah maraya kaddib hal habeen oo laga ciyaaray wareega 4-aad ee Heerka Group-yada.
Kooxo badan ayaa ilaa haatan kusoo raaxaystay isla markaana aan wax qoomamo ah ka qabin kulamada ay soo ciyaareen halka ay jiraan kooxo qaab aan wanaagsanayn ku furtay tartanka iyadoo ay xusid mudantahay in durtaba ay kooxo badani tartanka macasalameeyeen.
Haddaba, Iyadoo ay xalay dheeleen Group-yada A ilaa D ayay hal koox oo kaliyi ilaa haatan boos ka samaysatay wareega xiga ee 16-ka halka ay saddex kooxood arkeen horumarkoodii oo xilli horeba lasoo afmeeray.
Kooxda Barcelona oo xalay bar-bardhac min hal gool ah lasoo gashay kooxda Inter Milan ayaa ah kooxda kaliya ee hubaanti ka dhigatay inay dheeli doonaan wareega 16-ka kooxood ee UCL.
Waa markii sagaalaad ee ay Barcelona kasoo baxdo heerka Group-yada iyada oo kaliya ciyaartay 4 kulan waxaana kaliya rekoodhkaas kaga horreysa Real Madrid oo 11 jeer sidaa samaysay.
Haddiiba ay Barcelona tahay guuleystayasha toddobaadkan waxa jira kooxo saddex ah oo qalbijab baahsan la kulmay xilli hore iskagana hadhay tartankan xiisaha badan.
Saddexda kooxood ee kala ah Monaco, Lokomotiv Moscow iyo PSV ayaan dhammaantood awood u lahayn haatan inay sameeyaan wareega xiga ee 16-ka walow ay wali u dagaalami karaan booska saddexaad isla markaana ay boos ka samaysan karaan UEFA Europe League.
Monaco ayaa haatan hal dhibic haysata, Sidoo kale PSV Halka kooxda kasoo jeeda dalka Ruushka ee Lokomotiv Moscow aysan wali wax dhibic ah diiwaan gashan