SUXUF QORAA AH OO XABSI SUCUUDIGA KUYAALA LAGU DHEX DILAY

0
21

Jiddah(saxilnews.com)-Qoraagii reer Sacuudi isla markaasna ahaa Wariye Turki Bin Abdul Aziz Al-Jasser ayaa dhintay kadib markii lagu jidh dilay Xabsi ku yaal dalka Sacuudiga, sida uu qoray wargeyska New Khaleej.

 

Arrintan ayaa imaneysa bil kadib markii Sacuudiga ay qirteen in suxufi Jamaal Khaashuqji lagu dhex-dilay qunsuliyaddooda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Illi wareedyo Xuquuqul Insaanka u doodo ayaa sheegay in Al-Jasser la xidhay isla markaasna uu jirdil u dhintay kadib markii ay dowladda Sacuudiga ku eedeysay inuu maamulayey akoonka Twitter ee Kashkool kaasoo hadda la xidhay kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen qoyska Boqortooyada.

Sida ay illo wareedyada xaqiijiyeen Al-Jasser ayaa loo aqoonsaday inuu ahaa ninkii Maamulayey Akoonka Twitterkaa uuna ku shaqeenayey Xafiis ku yaalo Dubai.

Wariyahaan ayaa waxaa la xidhay Bishii March ee sanadkaan, waxaana lasoo sheegayaa inuu u dhintay tacadi xoog leh oo loogu geystay xabsiga dhexdiisa.

Dilkaan loo geystay wariyahaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa Xilli ay weli Sacudiiga dhexda kaga jirto fadeexadii ka dhalatay dilkii dalka Turkiga loogu geystay Wariye Jamal.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa u qorsheysay dil iyo xabsi cid kasta oo ka hor timaado amaradooda, waxayna Awoodii dalkaas kusoo koobmatay Qoyska Boqortooyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here