Hanbalyo Xildhibaan Cabdirsaaq Aar Haldoorka Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka

0
21

Shikhsiga bini aadamka ah waxaa haboon inaad uga mahad celiso markuu sameeyo wnaag iyo khyer, Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamuud Jaamac (Aar) waa xildhibaan kamida xildhibanadii kusoo baxay doorashadii golayaasha deedaanka ee  2012-kii ka dhacday guud ahaan Somaliland nasiibkiisu wuxuu siiyey isagoo nin dhalinyaro ah inuu kamid noqdo 21-ka Xildhibaan ee usoo baxay Degmada burco , waxaa kale oo uu nasiib u yeeshay inuu noqdo xildhibaanka ugu da,ayar  Xildhibaanadaasi 21-ka ah ee burco usoo baxay.

 
Ka dib markii la dhaariyey Xildhibaanka  wuxuu guda galay una tafa xaytay sidii uu hormarin lahaa Degmadiisa, Xildhibaan Aar oo hore uga mid ahaa Dhalinyarada Burco kuwooda ugu firin fircoon  hadana wuxuu ka mid noqday Xildhibaanada dhalinyadu aadka u jecelyihiin,  waxaana uu kaalin ka qaatay horumarinta barnaamijyada waxtarka leh ee dhalinyarada, wuxuu sameeyey dedaal iyo kari badan oo uu ku dhaafay Maamulka dawlada hoose.
 
Xildhibaan Cabdirisaaq Aar wuxuu gacan qabtay dhalinyaro badan  halka kuwo kalena uu siiyey talooyin wanagsan,  wuxuu ka mid yahay  Xildhibaanada usoo fadhiista ee dhegaysta dhalinyaradooda  kala qeyb qaata doodaha iyo afkaarta soona bandiga maskaxaha fayow iyo caliyada wanagsan, Dhawaan ayey ahayd marki xildhibaanku buugaag cilmiyeed gaadhaya 2000 oo buug ku wareejiyey Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan ee ka jira Burco, sidoo kalena wuxuu buug taasi lamida gudoonsiiyey Naadiga Akhriska ee Berbera, dedaalkaa iyo Horumarkaa uu Xildhibaanku ku sameeyey  mudo gaadhaysa waxaan ka badnayn laba sano.
 
Munaasibad lagu qabtay Magalada Burco  oo ay soo qaban qaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaraan looguna dabaal degaayey  sanad guuradii 6-aad ee Naadigaasi ayaa Cabdirisaaq Aar ka mid noqday Dadkii halkaasi lagu maamuusay Shahaado Sharafyada iyadoo goobta laga sheega
​​y si weyna looga xusay mudanaanta iyo hawkarnimada Xildhibaan Cabdirisaaq Aar, dhamaan dhaliyaradii goobtaasi ku sugaa ayaa ku amaanay shikhsiyada iyo masuulida saaran sida xilkasnimada leh ee u u guto waajibaadkiisa.
 
Xildhibaan Cabdirasaaq Maxamuud Jaamac ayaa ka mid noqonaaya Xildhidbaanda dhalinyarada ah ee ay mustaqbalka hiigsan doonaan  kumanaan dhalinyarado reer burco ah kuwaas oo u hanqal taagaya inay raacaan wadada Xildhibaan aar, sidoo kale wuxuu dariiq wanagsan iyo tulaase ku dayasho mudan u noqday dhamaan xildhibaanada golayaasha deegaanka, waxaana hubaa hadii uu noqon lahaa maamul inuu intaasi ka sii badin lahaa horumarkiisa.
 
W/Q: M.C.X

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here