Qaramada Midoobey oo sheegtay in Geneva lagu qabanayo wadahadallada nabadda Yaman

0
37
yamanLahaanshaha sawirkaREUTERS

Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa in si rasmi ah ay ugu casuntay dhinacyada isku haya colaadda dalka Suuriya wadahadallada nabadeed ee ka dhici doona magaalada Geneva.

Wadahadalladan nabadda ayaa la qorsheynayaa in ay dhacaan bisha soo socota ee Sebteembar.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Martin Griffiths, ayaa indhawaaleba ukala dabqaadayay dowladda Yaman iyo fallaagada Xuutiyiinta.

Labada dhinac ayaanan muddo laba sano ah yeelan wax wadahadal ah oo toos ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso usbuuc kaddib markii duqeyn ay geysteen diyaaradaha xulufada uu Sucuudiga hoggaamiyo ay ku dhinteen ugu yaraan 29 carruur ah.

Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen ayaa ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Saraakiisha Xuutiyiintu ayaa sheegay in afartameeyo carruur ah lagu dilay duqeyntaasi.

yamanLahaanshaha sawirkaREUTERS

Sucuudiga oo taageera dowladda Yaman isla markaana taageero ka hela Maraykanka iyo Ingiriiska oo xubno ka ahi golaha ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii hore sheegay in tallaabadaasi ahayd mid sharci ah oo aanay haba yaraatee rayid waxba ku yeelin, haatanse wuxuu sheegay in baadhayaan dhacdadaas.

Weerarkaasi kaddib ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa uu dalbaday in baadhitaan madax bannaan lagu sameeyo duqayntaasi lagu laayay carruurta.

Xubnaha golahani ayaa ku heshiiyay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baaritaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga.

Colaadda u dhaxeysa labadani dhinac ayaa gebi ahaanba burburisay dalkaasi Yaman.

Kumannaan qof ayaa colaadani ku dhintay halka malaayiin qof oo kale ay macaluul wajahayaan.

Waxaana xaaladda nolaleed ee dalkaasi lagu tilmaamay xasarad bani’aadanimo tii ugu ba’nayd caalamka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here