Aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu Iiraan dib ugu soo celinayo cunaqabateynada, kadib markii uu ka baxay heshiiskii niyukleerka ee Iiraan.
Wajiga koobaad ee cunaqabateynada ayaa dhaqan gali doono caawa, kaas oo diiradda lagu saari doono iibsashada doolarka Mareykanka, ganacsiga biraha,dhuxusha iyo softiware-ada.
Wajiga labaad ee cuna qabateynta oo isagana dhaqan gali doono bisha Nofeembar ee sanadkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa shidaalka Iiraan.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay weli furantahay in uu Iiraan lagalo heshiis cusub oo ku aadan niyukleerka Iiraan
Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani, ayaa ka jawaab celiyay hadalka Mr Trump, waxa uuna yiri cunaqabatayn iyo wada hadal meel islama gaaan. Waxa uu sidoo kale ree Iiraan ugu baaqay in wadajir qaran ay muujiyaan.
- Mareykanka, Jarmalka iyo Faransiiska oo Ruushka cambaareeyay
- Dhaqaalaha Mareykanka oo ku socodo kobac hoose
- Safiirkii Mareykanka u fadhiyay Panama oo iscasilay
Mr Trump ayaa digniin u diray shakhsiyaadka ama shirkadaha isku daya in ay jabiyaan sharciga cuna qabataynada ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo.
UK, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Shiinaha oo iyagana qeyb ka ahaa heshiiskii niyikleerka Iiraan ee 2015-kii ayaa walaac ka muujiyay tallaabada Mareykanak uu qaaday.