by cali qamaaciir
(02,08,2018,jimce) Dawladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa waxa ay diidday in hogaamiyaha mucaaradka dibadjoogga ah, Moise Katumbi, ay siiyo ogolaansho uu dalka dib ugu soo laabto.
Barasaabkan hore ee caanka ah ayaa waxa uu sodsaday in loo ogolaado in subaxa Jimcaha uu ka soo kicitimo dalka Koonfur Afrika.
Booliiska magaalada Lubumbashi ayaa jidgooyooyin dhigay wadooyinka waawayn ee magaalada, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka gudaha iyo agagaarka garoonka diyaaradaha.
Waxaa jira qorshe lagu xannibayo waddada ay diyaaraduhu ku soo dagaan, si diyaaradda wadda Moise Katumbi looga hor istaago in ay soo cago dhigato.
Wasiirka warfaafinta ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Lambert Mende ayaa sheegay in la xiri doono badhasaabkii hore ee ee gobolka Katanga haddii uu dalka ku yimaaddo diyaaradaha rakaabka.
Gobolka uu badhasaabka ka soo noqday ayaa qani ku ah macdanta.
Katumbi ayaa dalkaas ka baxay sannadkii 2016kii ka dib markii ay is fahmi waayeen madaxweyne Joseph Kabila.
Markii dambana waxaa lagu helay wax isdabo marin hanti isaga oo maqan ayaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah.
Masuul ka tirsan xisbiga badhasaabkaas hore ayaa Twitterka ku soo qoray in uu dhulka ka soo gali doono.
View image on TwitterView image on Twitter
Olivier Kamitatu Etsu
@OlivierKamitatu
Autorisation de survol et d’atterrissage refusée par Kinshasa !
Nous décollons en direction de Ndola pour prendre la route de Lubumbashi.
En homme de conviction, de courage et de paix , @moise_katumbi est plus que jamais déterminé à répondre à l’appel du peuple congolais !
Jean-Pierre Bemba oo isna ah hogaamiye kale oo mucaarad ayaa Arbacadii dib ugu laabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Wuxuuna waraaqda murashaxnimada ee doorashada madaxweynenimada bisha Disember dhacaysa u gudbistay guddiga doorashada.
Si kastaba ha ahaatee xisbiga talada haya ayaa sheegay in uusan xaq u lahayd in uu u tartamo, sababtuna ay tahay xukunka laaluushka ah ee ay ku riday maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC. Racfaan ayuu ka qaatay xukunkaas.
by cali qamaaciir