Hargeysa(saxilnews):-Muddooyinkii u dambeeyey waxa si aada isku soo taraayey shirar beeleedyada kala duwan ee ka dhacaaya Somaliland kuwaasi oo intooda badan ba laga ga hadlo saluug ay beelahu ka muujinayaan Xukuumadahii ugu dambeeyey ee KULMIYE, waxaana shirarkaasi ugu dambeeyey shirarkii beelaha Garxajis iyo Fiqishini oo laga soo saaray dhawaaqyo ay ku dalbanaayaan in Xukuumadda Muuse ay ka helaan saamigoodii ay ku lahaayeen qaranka.
Hadaba, dhawaaqyadaas soo noq-noqdey awgeed, wargeyska Waaberi, waxa uu dib baadhitaan ugu sameeyey in qobaddii ka soo baxay shirkii 1991kii beelaha Somaliland uga qabsoomay magaalada Burco iyo waxyaabahii lagu heshiiyey, waxaana qodobada shirkaas ka soo baxay ka mid ahaa qodobka 5aad oo nuxurkiisu ahaa in dawladnimada Somaliland si cadaalad ah looggu qeybiyo beelaha wada dega Somaliland, kaas oo inta badana noqda qodobka ay beelahu soo daliishadaan marka ay saluugooda saami soo bandhigayaan.
Hadda ba, haddii aynu dul istaagno qodobaddii ka soo baxay shirkii Burco oo ay ku dhammaayeen beelaha Somaliland, ayaa waxa ay u dhignaayeen sidan:-
- In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi gaar ah.
Ugu dambeyntii Xukuumadihii kala dambeeyey ee KULMIYE, ayaa lagu eedeeyaa in dheeli ka jiro dhinaca saami-qeybiga xilalka qaranka balse inta badan aanay Xukuumadahaasi ka jawaabin dhawaaqa ka soo yeedha shirarka ay qabsadaan beelahu.
Kulmiye ayaa lagu tiriya in uu saami qaybsiga beelaha ku saleeyo sida uu beelaha codka uga helo, islamarkaana loogu sad buriyo beelaha ku xooggan xisbiga taas oo beelaha qaar bacadka u saarta.
Wararka Wargeyska Waaberi