Nin u dhashay dalka Faransiiska oo taajir ah ayaa lacag badan ku iibsaday qalab dadka lagu dili jiray

0
18
Qalabkan ayaa carwo lagu kala iibsaday dalka FaransiiskaLahaanshaha sawirkaAFP/GETTY
Image captionQalabkan ayaa carwo lagu kala iibsaday dalka Faransiiska

Nin taajir ah oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa lacag dhan €8,008 (£7080) kala baxay qalabka qur-gooyada oo lagu dili jirey dadka marka lagu rido xukun dil ah.

Qofkii ugu dambeeyay waxaa lagu dilay sanadkii 1977-dii, xilligaas oo wixii ka dambeeyay dalka Faransiiska laga mamnuucay xukunka dilka ah.

Laanta xaraashka ee dalkaas ayaa ka hor timid in qalabkan la caraasho, qofna uu iibsado, balse shirkaddii xaraashka samaynaysay ayaa diidday arrinkaas.

Qalabkan ayaa waxa uu jiraa 150 sano, wuxuuna ka mid ahaa qalab la yaab leh oo uu iibsaday ninkan taajirka ah.

Taajirkan oo lagu magacaabo Christophe Février ayaa caan ku ah tallaabooyinka la yaabka leh ee uu qaado, mana la garanayo waxa uu ku falayo qalabkan dadka lagu dili jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here