Millard Fillmore waa mid kamid ah madaxweyneyaasha Mareykanka ee loogu aqoonta yaryahay waxbana aan laga xasuusanin, laakiin waxaa jirta saameyn aad u balaaran oo uu lahaa taasoo qof walba aan hadda ku cusbeyn.
Dadka magangalyo doonka ah iyo qaxootiga dhaqaale darrada kasoo cararay ayaa kusoo qulqulaya Mareykanka.
Balse kuwa uu qaxooti naceybka lafaha uga jiro waxa ay ka digayaan in ajaanibtaan ay sii hurin doonaan fal dambiyeedyada, ayna sababi karaan hoos u dhac dhaqaale iyo burbur ku yimaada qaranka.
Xilli dhaqanka dadka muwaadiniinta ah u hiilliya oo qaxootigana yasa uu ugu sii fidayay Mareykanka sida dabka oo kale, ayuu madxweyne neceb soo galootiga oo kasoo jeeda gobolka New York la wareegay xukunka dalka.
Waxa uu u dhago nugulyahay qorshe kasta oo ku saabsan sidii loo hir galin lahaa fikirkiisa.
Laakiin sanadka ay waxaan dhacayeen ma aha 2016-kii.
Waa 1850-ki
Madaxweynahanina ma aha Donald Trump.
Waa Millard Fillmore, oo mowqifkiisii sida cad u qayaxnaa uu ka dhigay qof ay ku maadsadaan taageerayaashii soo maray taariikhda doorashada xilka madaxweynenimo.
Ma ahan dadka soo galootiga ah ee muslimiinta iyo qaxoootiga dadka uu heystay madaxweyne Fillmore, ee waxa uu ku dhegenaa dadka jarmalka ah iyo Irishka heysta mahdabta catholic-ga.
Madaxweyne Trump isaga waxa uu isku sheegay in uu la mid yahay madaxweyne Andrew Jackson, waxaana jira waxyaabo ay isaga midyihiin.
Labada dhinacba waxa ay bannaanka ka ahaayeen qoomiyadaha ay xukuumadda Washington u oggoleyd in ay qaxooti ahaan kusoo galaan mareykanka.
Hase ahaatee, Andrew Jackson oo asal ahaan kasoo jeeday qoys Irish ah ayaa soo noqday madaxweynihii 7-aad ee Mareykanka waxaana uu markiisi hore ahaan jiray askari halyeey ah oo guul kasoo hoyiyay dagaalkii Mareykanka iyo Britain ku dhex maray gobolka New Orleans.
Madaxweynahaas oo lagu naaneysi jiray Old Hickory(oo micnihiisu yahay ‘odaygi u adkaa sida geedka’), ma sahlana in la qiyaaso hab dhaqankiisi, isagoo ka cudur daartay shaqada ciidamada milatariga ee uu ka tirsanaa uuna sabab uga dhigay in uusan awoodi karin socodka masaafaha dheer ah, waxaana isla sidaas sameeyay Mr Trump intii uu socday dagaalkii Vietnam, labadooduna waxa ay ka cabanayeen xanuun dhanka cirbaha ah.
Balse is barbar dhigga dhaqannada madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka ( Trump) iyo madaxweynihii 13-aad (Fillmore) – marka qaar laga reebo – waxa ay si lagu doodi karo u yihiin kuwo aad isku keenaya.
- Halis intee la’eg buu Trump u horseeday caalamka?
- ‘Wixii iiga baxay duulimaadkii aan Trump ku wehliyay’
- Baaritaanka Trump lagu hayo oo marxalad cusub galaya
- Trump: Heshiiska K/Waqooyi waa mid dunida oo dhan anfici doono
Fillmore waxa uu xirfaddiisa billaabay sanadkii 1820-ki isagoo ku biiray xisbiga kasoo hor jeeday ajnabi u dhimrinta, xilligaasoo ay jireen hadallo la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in xisbiga soo galootiga taageera ee xukunka hayay ay khaarijinayeen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah.
Mr Trump waxa uu isku daygiisa maamulka Aqalka Cad waddada ugu xaaray tallaabo ajnabi nacayb ah, sidoo kale – taasoo ah in madaxweyne Obama uusan ahayn muwaadin Mareykan ah.
Fillmore waxa uu markii dambe ku biiray xisbiga Whig Party xilli ay sare u kaceysay cadaawadda loo qabay qaxootiga faqriga kasoo cararayay, kuwa colaadda kasoo baxsaday iyo kuwa kasoo qaxay waddamada ay ka jireen xukuumadaha arxanka daran.
Dadkaas ayaa waqtigaas Mareykanka ugu qulqulayay si baaxad leh iyagoo ka kala socday guud ahaan caalamka.
Siyaasiyiinta xisbiga dimuqraaddiga ayaa dhankooda u arkayay in dadkaasi ay xoojin doonaan isku dheelli tirka saameynta codeynta doorashada.
Balse sida uu qoray Robert Rayback oo ah ninka taariikhdiisa diyaariyay, Fillmore ayaa qaar kale oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee xisbiga Whig la wadaagayay walaac ku saabsan in dadka soo galootiga ah ay halis ku noqonayaan sharafta qarannimo iyo jiritaanka Mareykanka.
Markii uu Millard ku guul dareystay isku daygii uu ugu tartamay barasaabka gobolka New York doorashadii dhacday sannadkii 1844-ti, waxa uu sababteeda ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray “Masiixiyiinta heysta mad-habta catholic-ga ee qaxootinnimada ku yimid”
Cod bixiyeyaasha soo galootiga ah ayaa “laaluush ku bixinaya codeynta doorashada – oo ah midda go’aanka muhiimka ah ka gaarta mustaqbalkeenna”, ayuu si caro leh u yiri.
La bar-bar dhig arrintaan sheegashadii aan xaqiiqda loo helin ee uu Trump ku sheegay in malaayiin qaxooti si sharci darro ah ku jooga Mareykanka ay ka qeyb qaateen doorashadii ugu dambeysay ee aqalka cad.
Waxaa jirtay arrin kale oo aan hadda dhagaha dadka cusbeyn oo ah in Fillmore uu xilligaas sheegay in shaqooyinka ay mudnaayeen dadka muwaadiniinta Mareykanka ah ay qaataan “rag aan asal ahaan dhalashadoodu kasoo jeedin Mareykanka “.
Millard waxa uu madaxweyne ku xigeen u noqday Zachary Taylor sanadkii 1849-ki, waxaana uu kaddib geeridii kadiska ahayd ee madaxweyne Taylor si lama filaan ah ku noqday madaxweyne.
Paul Finkelman oo wax ka qoray taariikh nololeedkii Fillmore haddana ah madaxa machadka Gratz College ee gobolka Greater Philadelphia, ayaa yiri: “Markii uu Fillmore soo galo xafiiskiisa, waxa ugu horreeya ee uu sameeyo waxay ahaan jirtay in uu shaqada ka eryo guud ahaan golihiisa wasiirrada”.
“Donald Trump waxa uu isbaddallo ku sameeyay xubno badan oo golaha wasiirrada ah taasoo qiyaas ahaan ka badan isbaddallada ay sameeyeen dhammaan madaxweyneyaashii kale ee ka dambeeyay Millard Fillmore.
“Maamulkii Fillmore waxa uu ahaa mid ku jira isku dhex yaac joogto ah sababtoo ah lama ogaan karin cidda wax sameyneysay maalinba maalinta ku xigtay, taasina waxa ay qiyaas ahaanti la mid tahay xaaladda ay hadda ku jirto xukuumadda Trump. Waa dowlad isku dhex yaacsan.”
Millard gabadhiisa, Abby, waxa ay noqotay haweeneyda dhanka soo dhaweynta martida u qaabilsan aqalka cad, kaasoo ah xil u sarreeya sida xilka ay hadda heyso Ivanka Trump. Marwadii koowaad ee xilligaas Abigail Fillmore waxa ay ahayd haweney ku takhasustay arrimaha bulshada – si aan ka duwaneyn sida ay arrimahaas ku tahay Melania Trump.
Waxyaabihii dib u dhaca ahaa ee uu madaxweynahaas sameynayay waxaa ka mid ahaa taageeradii uu siiyay qaraarkii 1850-ki, oo ahaa heshiis dhex maray gobollada la adoonsado iyo kuwa xorta ah kaasoo horseeday dagaalkii sokeeye ee Mareykanka.
Khudbaddii mowqifkiisa uu kaga hadlay ee uu ka jeediyay dooddii ku saabsaneyd heshiiskaan ayaa ka careysiisay dadka madow ee Mareykanka ah.
Hoyga Trump iyo Fillmore
Taariikh nololeedka uu qoray Dr Finkelman waxa ay muujineysaa in wadaad kasoo jeeday gobolka Ohio uu yiri: “Miyuusan rabin ibliisku in uu wax fiican sameeyo oo uu kasoo tago naarta una soo guuro Mareykanka si uu ula daggaallamo haddii ay suurta gal tahay, madaxweyne Fillmore iyo dadka ku raacsan siyaasaddiisa?”
Hoggaamiyeyaal fara badan oo madow ah iyo xulafadooda ayaa maanta u hadla si aan waxba dhaamin hadallada qallafsan ee Mr Trump.
Si bah-dilaad ah, ayaa Filmore loogu diiday in uu noqdo musharraxa madaxweyne ee xisbigiisa sannadkii 1852-di.
Waxa uu isaga baxay xisbiga Whigs si uu u hogaamiyo xisbi aad u qallafsanaa oo kasoo hor jeeday soo galootiga iyo masiixiyiinta madhabta Catholic-ga oo lagu magacaabayay American Party.
Iyagoo aan cidna u aaba yeeleynin, ayay abuureen kooxo ku dhisan fikrado isir nacayb ah, kuwaasoo ugu dambeyntii ay howshooda isugu soo biyo shubatay in sanaddkii1855-ki ay maalin isniin ahayd daadiyeen dhiig, kaddib markii ay weerareen xaafado ay dagganaayeen dad Jarmal iyo Irish ah oo ku yaalla magaalada Louisville ee gobolka Kentucky, halkaasoo lagu dilay ugu yaraan 22 ruux.
Doorashooyinkii dhacay sannad kaddib, xisbiga American Party waxa uu qaatay hal gobol oo kaliya: oo ah Maryland – kaasoo sababtii ay u heleenna loo tix galiyay in ay ahayd maadaama y gobolkaasi dagganaayeen masiixiyiintii kasoo baxsaday gumeysigii ingiriiska. Siyaasad ahaan, Fillmore markaas way u dhamaatay.
Xisbiga Whigs waligiis kama uusan soo kabanin saameynta ay keentay madaxweynenimadiisii. Dambaskii xisbigaas waxaa goor dambe ka aasaasmay xisbiga Jamhuuriga ee Republican Party oo uu hoggaaminayay Abraham Lincoln.
Joan Cashin, oo ah professor taariikhda ka dhigta jaamacadda gobolka Ohio ayaa ka dhawaajisay in uu jiro farqi u dhexeeya Trump iyo Fillmore, waxa ayna farqigaas ku sheegtay oo kaliya in uu midkood ku koray deegaan miyiga ku yaalla oo sabool ah isla markaana loo tix galiyay in uu ahaa siyaasi si akhlaaq leh u dhaqma.
Trump waxa uu ahaa wiil iska baashaala oo uu dhalay maalqabeen caan ah – Fillmore waxa uu ahaa cunug shaqaale ka ah warshad dharka lagu sameeyo.
Balse Prof Cashin waxa ay sawir ka bixisay xiriir u dhexeeya fikir gurracan oo jiray bartamihii qarnigi 19-aad iyo maanta.
“Waddan ay tahay in xukunkiisa ay qabtaan dadka ku dhashay ee caddaanka ah, kuwaasoo go’aan ka gaaraya cidda soo galeysa iyo cidda aan soo galeynin, taas ayaa isku dhiganta” ayay tiri.
“Marka laga reebo dadka asalkoodu American-ka yahay, kulligeen waxaan nahay qaxooti darajooyin kala duwan ku leh waddankaan..
“Waxaan u maleynayaa inuu ahaa Martin Luther King qofki yiri, waxaa laga yaabaa inaan maraakiib kala duwan ku imaannay halkaan, laakiin kulligeen hadda waxaan saarannahay hal doon.'”
Qoraal dheeraad ah: Millard waxaa lagu tilmaamay in uu muuqaalkiisu aad u qurux badnaa. Boqaraddii ingiriiska ee Victoria ayaa dhowr jeer ku amaantay in uu yahay ninkii ugu quruxda badnaa ee ay abid la kulanto.
Dadka qaarkiis ayaa dareensan in muuqaal ahaan la isku soo qaban karo Fillmore iyo atooraha lagu magacaabo Alec Baldwin.
Baldwin, dabcan, waxa uu hees ka qaadi rabaa barnaamij shactiro ah oo uu sabtida ka qeyb gali doono Mr Trump kaasoo si toos ah u baxaya habeenki.
Madaxweynihii 13-aad waxa uu ka baxay xasuusta caanka ah.
Tobannaan sano ka hor ayaa ugu dambeysay in la maqlo ururkiisi arrimaha bulshada ee la magac baxay Millard Fillmore Society.
Daraasad ayaa lagu sheegay in, ku dhawaad 8% kamid ah ardayda dhigata machadyada Mareykanka aysan xitaa ka war qabin qofka uu ahaa.
Haddii Mr Trump uu is arko isagoo taariikhda uga jira dhanka khaldan, waxa uu maalin maalmaha kamid ah noqon karaa mid loo illoobo, sidaasoo kale.
Markaad eegtid kala fikrad duwanaanshaha aan dhamaadka lahayn ee Mareykanka, duco uu mar ku dhawaaqay Fillmore ayaa u muuqata in uusan wali waqtigeeda dhicin: “Ilaah ha badbaadiyo waddanka, maadaama ay iska caddahay in dadku aysan badbaadin doo