Dufaan halis ah oo in ka badan 30 qof ku dishay geeska Afrika

0
27

Duufaan halis ah oo wadata daadad iyo dabaylo xoogan oo ku dhufatay qeybo ka mid ah geeska Afrika ayaa sabbatay dhimasahada ugu yaraan 30 qof.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Jamhuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan.

Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida Cabdiraxmaan Zaylici ayaa kormeer iyo indho indhayn kusoo sameeyay deeganno iyo tuuloyin dhowr ah oo ay go’odoomiyeen duufaanta.

Wuxuuna sheegay in gurmad loo fidiyay dadka deegannada ay saameeyeen daadadka oo ka tirsan gobolka Awdal,Saaxiiil iyo magaalada Selel oo ka tirsan Zaylac

Waxaana gargaar la gaarsiiyay dadka ay fataahadaha ay saameeyeen halka kuwa ku xayiranaa halkaasi laga daadgureeyay.

Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi.

Jabuuti

Roobabka dabaylaha wata waxay sido kale ku dhufteen dalka Jabuuti halkaaso khaasare ay ka dhaliyeen.

Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen.

Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata.

Duufaanta Sagar ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dhufatay Jabuuti, Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somalilad iyo xeebaha dalka Yemen halkaaso ay khasaare nafeed ka dhalisay.

Dadaalada gurmadka loogu fidinayo dadka ay waxyeellada kasoo gaartay duufannada waxaa sii murjiyay dagaallo dhawaan ka dhacay deegaanka Tuka-Raq oo u dhexeeyay Puntland iyo Somaliland.

10,000 qof ayaa ku barakacday dagaalkaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here