Seynisyahan dalbaday in la dilo

0
22
David Goodall, 104, sano jir ah ayaa u safray Switzerland si nafta looga raxeeyoLahaanshaha sawirkaEPA

David Goodall oo ahaa seynisyahan 104 sano jir ah ayaa nafta looga raaxeeyay ka dib markii uu nolosha geeri ka doorbiday

David Goodall ayaa doorbiday in nafta looga raaxeeyo isbataal ku yaalla dalka Switzerland.

Waxaa arrintan shaaciyay ururka u ololeeya xaqa uu qofka u leeyahay in uu dhinto.

Ururka caalamiga ah ee lagu magacaabo Exit International ayaa waxa ay sheegeen in Mr Goodall uu dhintay saacada markay ahayd 12:30 waqtiga dalka Switzerland .

Seynisyahankani caanka ah ma uusan hayn xanuun badan balse waxa uu go;aansaday in nafta looga raaxeeyo .

  1. Wiil u dhashay dalka Pakistan oo soo saaray cilmi-seynis cusub
  2. Masas weerar ah oo halis geliyay jasiirad
  3. Maxay tahay sababta yaanyada looga jecelyahay dunida oo dhan?

Waxaa laga soo duuliyay dalka Australia si iyada oo la raacayo rabitaankiisa nafta looga raaxeeyo.

Markii ugu dambeeysay oo uu goob fagaaro ah ka hadlo ayaa waxa uu sheegay in uu la yaabay sida ay dadka u danaynayaan kiiskiisa.

“Ma rabo in aan sii noolaado,” waxa uu sidaasi Arbacadii u sheegay wariyayaasha . ”

Qofka jira da’deyda amaba iga yar … in uu xor u yahay in uu doorto geeri marka ay geeridu tahay waqtigii haboonaa .” ayuu intaa ku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here