Dooaxani Uu Naga Awood Badan Yahay Magaaladuna Halisbay Kujirtaa Wakhti Roobaadka ”Maayarka Berbera Cidin”

0
22

Berbera (Saxilnews.com)-gudoomiyaha Golaha deeganka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin ayaa sheegay inay la tacaalayaan moosida dooxa kala jab ee magaalada Berbera kaasi oo si xoog leh magaalada ugu soo fataha wakhti roobadka .

gudoomiyaha ayaa sheegay inay dawlada hoose ka awood badan tahay hawlaha lagu duwaayo biyaha baaxada leh ee kasoo burqama dooxda Kalajab ee magaalada Berbera, hore ayaanu waraaqo ugaynay madaxtooyada somaliand aanu ku codsanayno in wax lagaga qabto dooxa kala jab oo khatar ku haya magaalo xeebeda Berbera oo iyadu ka hoosaysa buuraha ay biyuhu kasoo rog madaan ee kusoo shuba dooxa kala jab .

maayarka Berbera cidin ayaa xukuumada ugu baaqay iyo haayadaha ku shaqada leh inay kaalin wayn ka qaataan hawlaha lagula tacaalayo dooxyadani wakhtiyada roobka dhibaataaye magaalada.

sadex habeen ka hore daad xoogan ayaa qaatay meherado ku yaala xaafada  Filand ee magaalada Berbera kuwaasi oo qayb ka ahaa dooxa Kala-jab kadib maekii uu soo goostay moosas culus oo ay dawlada hoose dhigay ,wax khasaare oo wayn ma sababin marka laga reebo duminta maqaaxiyo carshaan ah iyo dukaamo uu buuxiyey doodku .

saxilnews.com Berbera /Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here