Ku Dhawaad 80 Booyadood Oo Dib Usoo Celiyey Shidaal Ay Ka Qaadeen Haamaha Shidaalka Berbera Iyo Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera Oo Afka Xidhay .

0
28

Berbera (Saxilnews.com)-Ku dhwaad ilaa 80 booyadood oo saaka shidaalka ka qaaday haamaha shidaalka ee Berbera ayaa dib usoo celiyey kadib markii ay arkeen inuu shidaalkaasi yahay mid aan sax ahayn tayo ahaan waxayna isla manta dib ugu soo laabteen xarunta haamaha shidaalka Berbera kadib markii ay ganacsatada kaalamahu ay dhibaato kala kulmeen bulshada ku dhaqan caasimadaha dalka ee gaadiidka wata kadib markii dalka lagu sii daayey shidaal xabag wata oo fadhiisiyey badiba gaadiidka yaryar ee dalka ka dhex shaqeeya

wadayaasha booyadahani ayaa waxay goor duhurnimo ah isa soo tubeen afaafka hore ee haamaha shidaalka Berber kuwaasi oo ay isla markiiba gudaha haamaha lagu xareeyey si aan loo ogaan dhibaatada iyo cabashada kaalmaha waawayn iyo booyadaha shidaalka ka qaada haamaha shidaalka Berbera .

maamulaha gudida haamaha shidaalka Berbera Cali Yaasiin Kooshin ayaa si badheedh ah udiiday inuu ka hadlo cabashada shacabka somliland maadama uu gacanta ku hayo xaruntii ugu muhiimsanayd ee laga maamulayey isku socodka dalka iyo difaaca qaranka .

caqbashadani haamaha ayaa kusoo beegmaysa iyadoo habeenkii xalay ahaa kaydka haamaha lagu shubay markab siday 4700 Mitir Ton ay leedahay Shirkada Redsea oo kamid ah shirkadaha ugu awooda badan maamulka haamaha shidaalka Berbera, markab kaasi oo ahaa mid dabo socday shidaalkii xumaa ee hore bulshadu uga cabanaysay .

laabka ka dhex shaqeeya haamaha shidaalka Berbera ayaa isagu inta badan joojiya hsidaalka aan tayada lahayn balse dhibta jirta ayaa waxay tahay inaanu awood ulahayn go,aanka kama dabaysta ah ee diidmada maraakiibta xambaarsab shidaalka Xun ee ay caadaysteen shirkadaha ku midoobay maamulida haamaha qaranku .

 

dhibaatada jirta ayaa waxay tahay yaa maamulaha haamaha shidaalka yaase keenna shidaalka Xumaaday?

haamaha waxaa maamula ilaa 7 shirkadood oo madax banaan kuwaasi oo heshiis 25 sano ah la galay xukuumada somaliland ,kuwaasi oo isla iyagu keena guud ahaanba shidaalka dalka soo galla isla markaana koonto ku xidhay kadib markii meesha ay ka baxday rolekii ay dawladu ku lahayd .

bulshada ku dhaqan dalka somaliland ayaa todobaadkii u danbeeyey la daala dhacayey dhibaatada iyo khasaasaraha kasoo gaadhay shidaalka xumaaday ee saameyey gaadiidkii ay wateen .

 

HALKAN KA DAAWO: BAABUR XUMAATAY .

https://www.youtube.com/watch?v=LCmc3Eq387g

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here