MADAXWEYNE MUUSE OO DHAQAN GELIYAY ODOROSKA MIISAANIYADDA 2018

0
22

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahayJSL/XM/WM/222-078/42018 ku dhaqangeliyey, Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:

 

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:                  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:                  Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF-36/789/2018, ee ku taariikheysan 09/04/2018, ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2018-ka;

 

Waxaan soo-saaray;

 

Wareegtadan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2018-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa-bannaan, Dawladaha Hoose, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo Mashruuca Maamul-daadejinta

Dawladaha Hoose (JPLG).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here