Tobanaan qof oo ku dhimatay rabashado ka dhacay Kongo

0
18
Barakac xoog leh ayaa ka dhacay Kongo labadii sano ee la soo dhaafayLahaanshaha sawirkaAFP

In ka badan 33 qof ayaa lagu dilay dagaal cusub oo ka qarxay dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Kongo oo u dhexeeya qowmiyadaha Hema iyo Lendu oo wada dega gobolka waqooyi bari ku yaalla ee Ituri.

Warbaahin ay maalgaliso Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kooxda weeraka soo qaadday ay dib u riixeen ciidamada nabad ilaalinta.

In ka badan 100 qof ayaa lagu dilay qalalaasa ka taaganaa gobolka tan iyo bishii Decembar.

Dagaalka u dhexeeya qabaa’illada Hema iyo Lendu ayaa ka qeyb ah colaadaha ka taagan dalkaasi oo sababay in dad badan oo ree Kongo ah ay barakacaan.

Kumanaan lagu dilay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo

Gobolka Ituri oo kaliya ayaa waxaa qiyaas ahaan guryohooda ka barakacay 200,000 oo qof.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaalbisan carrurta ee Unicef ayaa sheegeysa in in ka badan 46,000 oo carruur ah, uu saameeyay dagaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here