Xisbiga Shuuciga ah ee haya talada dalka Shiinaha ayaa soo jeediyay isbadal lagu sameeyo qodob ka mid ah dastuurka dalkaasi.
Isbdalka ayaa waxa uu u ogolaanayaa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa in ay xilka hayn karaan in ka badan laba waqti.
Wakaaladda wararka ee Shiinaha ayaa sheegtay in hindisaha shaaca laga qaaday maanta oo Axad ah.
Waqti xaadirkan hogaamiyayaaha ayaan xilka hayn Karin wax ka badan laba jeer taasi oo ah laba jeer oo min 5 sano ah .
Madaxwaynaha imika xilka haya Xi Jinping, ayaa lagu wadaa in uu xilka ka dego 2022.
- Shiinaha oo Trump uga digay aqoonsiga Taiwan
- Shiinaha oo hawada u diray satellite isgaarsiinta mobileka
- Tirada caruurta ku dhalaneysa Shiinaha oo sare u kacday
Balse waxaa jira warar sheegaya in laga yaabo in uu xilka sii hayo maadaama uusan wali soo xulin ciddii badali lahayd.
Mr Xi ayaa intii uu xilka hayay waxa uu xoogga saaray awoodda militariga ,waxaana loo arkaa in uu yahay hogaamiye udub dhaxaad u ah xisbiga talada haya.
Kulankii sannaddii aanu soo dhaafnay ay yeesheen golaha congreska xisbiga ayaa waxa ay u arkayeen in uu yahay hogaamiyaha ugu awoodda badan tan iyo asaasihii xisbiga Shuuciga Mao Zedong