Deegaanka calacule waa deganka ay kuyaalan tawarada shirkadaha isgaadhsiinta ee telesom iyo somtel wuxu deegankani latiicayaa xanuuno kala duwan oo sababeen shucaaca ay siidayaan tawarada tirada belay ee aan loo aabo dayin ee laga taagay degankaasi Islamarkaana ah halka Somaliland oo dhan khadka isgaadhsiinta ugudbisa ,shirkadaha ayaa waxay dadkaasi dulman malin kasta ay ku dul faa,idaan malayiin dollar.
Hadaba taawaradu waxay daqiiqad kasta iyo minute kasta sidayaan shacaac loo yaqaano <RF>kaasi oo keena xanuuno fara badan oo dhamantood dila ah
Hadaynu soo qaadan qaar kamida xanuunada ka dhasha shacaaca RFka ee dilaaga ah ayaa waxa kamida:
1 kansarka (cancer)
2 faaliga (stroke)
3 maskax guur (memory loss)
4 shahwad yarayn (low sperm count)
5 madax xanuun (headaches)
6 Dhalmada oo adkaata( birth defects)
7 Dhibaato gadha wadnaha (cardio vascular stress)
8 yaraynta difaaca jidhka (immune function)
Sidoo kale waxay tawaradan samayn ba,an ugaysteen xoolihii ay dhaqan jireen dadka shacabka ah ee noloshooda ku marayn jiray xoolaha nool . taasi oo ay ku dhawdahay hadan wax laga qaban inay dabar go,aan xoolihii noola ee ku dhaqnaa degankaasi .
Waxayna xoolaha ku keentay xanuuno kala duwan oo ay Sabab utahay shoocaaca ay sii dayaan tawarada ay isticmalaan shirkadaha isgaadhsiinta telesom iyo somtel kuwaasi oo ah shirkadaha ugu ganacsiga badan .
Bal hadaba aynu wax ka taabano xanuunada ay ku keenan tawaradu xoolaha nool
1 madhalaysnimo .
Dhamaan xoolaha ku dhaqan deegankani ayaa wax marba marka kasii dambaysa kusii badan xoolaha madhalayska noqonaaya ee ay sababa uyihiin tawarada dilaaga ah ee dad iyo xoolaba xasuuqaya
2 xoolaha oo ilmaha tuura ama dhiciya iyaga oo aan gaadhin sidkoodii taasi oo ay ubadan yihiin adhiga iyo loda oo degankan hodan ku ahaan jiray .
Iyo waliba xanuuno faro badan oo aan ila iyo hada aan lagaranayn waxay yihiin oo faro baas kuhaya xoolaha, hadii aan wax laga qabana dabar goynaya xoolaha .
Waxa iyana xusid mudan waxay tawaradan dhawaca ugaysteen dalagyadii kala duwanaa ee labeeran oo uu degankani caan ku ahaa
Waxana kamida dhawacyada ay ugaysteen tawaradu dalagya ama beeraha
1 inuu bixi waayo dalagyadii taasi oo loo sababaynaayo shacaaca tawarada
2 dalagyadii hadii ay baxana waxay noqonayaan kuwo bilaa tayo ah oo aan iib iyo isticmaaltoona galayn
Hadaba aqoonyahan kasoo jeeda degankani ayaa sheegay inay wakhti dheer indha indhayn iyo badhitaan kala duwan ku sameeyeen dhibaataday gaystaan tawaradani iyagoo cuskanaya daraasado ay sameeyeen dhakhaatir caalami ah iyo weliba hayada caafimaadka aduunnka waxay sheegen in dhibatada caafimaad ee taawaraday ay tahay mid aan laga mala awaalayn sida ku cad maqaala ay soo saaren ururada caafimaadka aduunka{WHO}
Aqoon yahanada kala ah
Eng: maxamed abokor awcismaan (shabeel)
Dr: c/raxmaan xasan maxamuud (beer libaax)
Eng: c/lahi maxamed faarax (dayax)
Aqoonyahanadan kor kuxusan yihiin magacyadoodu oo Ka hadlaaya dhibaatooyinka ay gaystaan tawaradu ayaa waxay yidhahdeen sidan
““Waxanu darasad kusamaynay dhibaatooyinka ay gaystaan tawaradani ayaa waxanu ogaanay inay tawaradu ay yihiin dilaa qarsoon oo aanay ogay dadka bilaa aqoonta ah ee kudhaqan degankani.
Sido kale waxanu baadhnay waxay haayada caafimaadku ka yidhah deen
sido kaleMarkii dadka deegaanku cabasho ugudbiyeen shirkadaha waxay shirkaduu ku baabiiyeen cabshadii dadwaynaa lacag ay siiyeen shakhsiyaad ka soo jeeda deegaanka taa soo sababtay iska hor imaad udhexeeya shirkadaa iyo dadka deegaanka “”
Bal hadaba tawaradan waxad arkaysaa dad kuhoos nool oo aan garanayn dhibaatada ay leehihiin.
Hadaba shirkadaha isgaadhsiintu waa ay iska indho tireen waxasi oo dhibaato ah ee ay tawaradoodu gaysanayaan iyagoo danaysanaya faa,idada ay ka helayan tawaradaasi.
Mohamed youngman
063- 4947578