Muddo imika laga joogo ku dhawaad saddex bilood ayaa la joogaa wakhtigii uu shaaciyeen kaadiriinta xisbiga waddani,in la gacan togaaleeayay waraaqihii cod bixinta doorasahada madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka.
Xisbiga waddani waxay si rasmi ah shir jaraaid oo ay qabteen,isla markaana ka dhex muuqdeen xuseen axmed caydiid iyo gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbigaasi ay bulshada ugu soo bandhigeen,in ay gacanta ku hayaan nuqullo ka mid ah waraaqihii codbixinta oo ay sheegeen inuu soo daabacday xisbiga kulmiye,eedeedana u xambaariyeen komisionka doorashooyinka.
Warkaasi masuuliyiinta xisbiga waddani la soo fariisteen shaashadaha televisionada,waxa uu waxa uu ku noqday af kala qaad,waxa uu ahaa weji gabax soo food saaray komishankii masuuliyiintii loo igmaday xilkaas,wuxuu ahaa qumbulad lagu dhextuuray bulshadii ku soo hoyatay habeenkaa nabadgelyada.
Dad aan waxba galabsan oo kusoo toosay nabad,kusoo hadh galay nabad,nabad ugu carrowsan hoygoodii, ayuu marin duway malahoodii kuna hoyday geeri.
Kolkii masiibadaasi dhacday, uu sababta u ahaa shirkaasi jaraa’id,waxa keliya ee laga war dhowrayay waxay ahaayeen xubnaha komiishanka doorashooyinka,wax la dhawro halka ay sal dhigataba,komiishankii way hadleen.
“warka ka soo baxay xisbiga waddani, waa been aan sal iyo raad toonna lahayn,waayo?Waraaqaha cod bixinta lama daabacan karayn,lamana arki karaynin”
sidaasi waxa yidhi gudoomiayaha komiishanka doorashooyinka oo isla habeenkaasi la hadlay warbaahinta.
Intaa kumuu joogine wuxuu ku sii ladhay: “arrinkaasi waxaan leeyahay cid kasta oo ay ku raad yeelato haddii ay xataa annaga noqoto,waxa la marinayaa sharciga,waa gef qaranka laga galay,waa jariimad weyn oo la doonayo in sumcadda Somaliland lagu dhaawaco,waa dhacdo geysatay geeri dad aan waxba galabsan”
Halkaasi markii xaal joogay shacbiguna naawilayo weli baadhitaanka ay sheegeen in laga samaynayo arrinkaasi,waxay komiishanku hal maalin kadib qabteen shir jaraa’id oo uu ku wehelinayo guddoomiyaha xisbiga waddani.
Gudoomiyaha komiishanka cqaadir iimaan oo hadalka ku horreeyay loo dhegtaag!
Maxaa dhacay?wuxuu ummadda u sheegay inay kasoo baxeen,shir socday 17kii bisha iyo 18kii bisha oo ay habeenimadeedii hadlayaan,halkii wax kale laga eegayay waxa uu ammaan iyo mahadnaq u miisay gudoomiyihii waddani,
yidhi yidhi oo hadana yidhi::waa nin dalka iyo dadkaba tudhaale u haya,waayo arag ah,wax badan eegaya,noo samray,dulqaadna muujiyay…..yaab!
waxa uu intaasi ku daray inay arrinkii buugga ka heshiiyeen,hadda garo oo dhacdada buugga ee leeyahay waxaanu ka heshiinay xiabiga waddani waxa dhibbane ka ahaa qaranka,shacbiga, dadkii nafahooga ku waayay iyo qoysaskii masiibadaasi ku habsatay,
craxamaan cirro oo uga danbeeyay waxa uu inoo sheegay in buuggii komiishanku sheegay hore inoogu sheegay in aanay haba yaraatee wax shaqo ah ku lahayn,islma markaana yahay foojari, ciddii ay ku caddaatona sharciga lala tiigsan doono,ay iyagu ka komiishanahaan denbigaasi yeesheen.kuna cad yahay.
Loona baahan yahay in garsoorka dalku ka qaato tallaabada ku haboon,xubnaha komiishanka doorashooyinka,isla markaana xukunkooda lagu lifaaqo ianaanay xil danbe qaranka u qaban Karin,haddii kale miyaa waa inay ummadda u caddeeyaan meelna ku tiiriyaan denbigaas iyo ciddii geysatay,iyo cid kasta oo ku lug lahayd ama gacan ka geysatay.
Cabdi faarax hayaan (zico) free lancer journalist….hargeysa