Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Axad ah kulan gaar ah xafiiskiisa madaxtooyada kula yeeshay markii ugu horeysay iyaga oo wadajira gudoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaridka ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe).
Kulankaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka, Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madxbanaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha gudaha, iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE.
War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu ahaa kulanku mid salka loogu dhigayey sidii mucaarid iyo muxaafidba danta guud meel loogaga soo wada-jeedsan lahaa oo lagana arrinsanayay arrimo dhowr ah oo ay ugu horrayso nabadgelyada gudaha Somaliland, iyo in feejignaan heer sare ah loo yeesho arrimaha ammniga loogana wada shaqeeyo mucaarad, xukuumad iyo shacbiba.
Waxyaabaha kale ee kulankaan diiradda lagu saaray ayaa waxa lagu sheegtay sidii wada-jir loogaga wada-shaqayn lahaa in aanay doorashadooyinka sanadaha soo socda dhici doono aysan dhaafin waqtigii loo qoondeeyey, mas’uuliyadna la iskaga saari lahaa qabsoomidoodda, iyo ka wada-shaqaynta arrimaha la xiriira abaaraha markale ku dhuftay gobollo ka mid ah Somliland