Maxkamadada sare ee dalka Kenya ayaa hakisay go’aankii ay dowladda ku xirtay oo ay hawada uga saartay saddex ka mid ah telefishinada dalkaasi.
Maxkamadda ayaa sheegtay inay joojisay xiritaanka telefishinadan muddo 14 maalmood ah si kiiska maxkamada yaala loo dhagaysto islamarkana go’aan laga gaaro.
Telefishanadani ayay dowladda sheegtay in ay qorshaynayeen in ay tabiyaan xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga maanlintii shalay ahayd.
- Kenya oo tarxiishay afhayeenka Riek Machar
- Waa kuma Raila Odinga?
- Sawirro: Dadka Kenya oo cuntada la wadaagaya xoolaha
Wasiirka arrimahha gudaha ee Kenya Fred Matiang’i ayaa shalay wariyayaasha u sheegay in xarumahani warbaahinta ay sii xirnaan doonaan ilaa baritaanada laga soo gabagabaynayo.
Telefishinada kala ah NTV, KTN iyo Citizen ayaa hawada ka baxay Talaadadii saacadu markay ahayd 9 barqanimo.
Hasa yeeshee saxafiyiinta Kenyanka ayaa qaadacay tillaabadda lagu xirey telefishinada.
Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay jabinayso xaqa ay dadka u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan dhacdooyiinka muhimka ah