NAAS NUUJINTA IYO FAA’IDOOYINKA KU JIRA

0
22

Waxan halkan ka salaamaya dhamaan umada afka somaaliga ku hadasha waxaan si gaar ah u salaamay dhamaan hooyooyinka somaliyeed ee u heelan  nuujinta ubadkooda ilahay ku arsaaqay , waxa sharaf iyo karaamo iga mudan hawl wadeenada mareegtan oo runti umada u soo tabiyay warar sugan oo xaqiiqda ku qotoma .

Waxan maanta  jecelaystay inan la wadaago dhamaan hooyoyinka somaliyeed ee ku guda jira hawl maalmeedkoodu shaqo oo ay ka kaw tahay naas nuujinta, korinta iyo  laylinta ubadkoooda

Naas nuujinta wa arin muhiima oo quraan ku xusan waxana si toos ah u qeexaysa aayada quraanka kariimka ah ee tirsigeedu yahay 233aad  ee ka mid ah

I
suurat AK BAQARA taas oo is cad u qeexaysa in mudada naas nuujintu tahay labo sano oo gaw ah 

Waxaan isku dayi doona inaan idiin soo koobo faaidada naas nuujinta ay u leedahay ilmaha  iyo hooyadaba.

Hadaan ku hor maro Faaidada naas nuujinta ay u leedahay hooyada waxa ka mid ah :

B. Uma baahna diyaarin qaadata waqti

T. Dhaqaale ahaan, waa cuntada aduunka ugu jaban

J. Waa cunto waqti walba diyaar ah, habeen, maalin iyo meel walba aad joogtid

X. Waxay taageerta inu xidhmo makaanka  oo dhiiga istaago marka hooyadu  ay dhasho

KH. Xidhiidhka jacayl ee hooyada iyo ilmaha ayuu kordhiya(Emotional satisfaction)

D. Wuxuu yareeyaa cancerka ku dhaca naasaha haweenka

R. Wuxuu taageera kala korinta ubadka (birth spacing) taasoo ka qeyb qaadata qorshaha qoyska (Family plannig)

Faaidada ay u leedahay ilmaha :

1. Waa cunto dabiici ah oo isu dheeli tiran, lagana heli karo wax kasto oo nafaqo ah oo uu u baahanyahay ilmahaagu .

2.waxaa ku jira lactose badan taas oo keenta “Glactolipids + Fatty acids” kuwaas oo ka qeyb qaata  koriinka maskaxda, diraaso cusub oo la sameeyay waxa ay sheegtay in  ilmaha la nuujiyay ay ka maskax badanyihiin ilmaha aan la nuujin.

3. Waxaa kaloo caanaha hooyada ku jira “Cholesterol” kaas oo ka qeyb qaata xuubid saarida neerfaha iyo ka hortaga inuu dhiiga fadhiisto xidida.

4.Proteinka ku jira caanaha hooyada waa borotiinada ugu fudud ee caloosha ay shiido karto.

5. Phosphate-ka ku yar caanaha hooyada waxay ka hortagtaa inuu calcium-ka yaraado, kaasoo aad ugu wanaagsan  ilmaha.

6.waa cunto waqti walba diyaar, waa cuntada mar walba oo aad  baahato aad heli karto.

7. Waa fresh mar walbo uma baahno in lagu daaro wax ilaaliya inay is badalaan

8.Heer kulkoodu wa mid dhexdhexaad ah  mana qaboobo mana kululo

9.Caloosha wax dhib ah uma keenaan, si fudud ayaa lagu shiidaa, si sahlana xiidmahu way  nuugaan  taaso ku caawisa  ilmaha inuu si fiican u seexdo safiicana u koro.

10.Caadifada ayey kordhisaa

Ilmaha hooyadii kama fogaanayo, iyadaa koriinkiisa ku hawlan

11.Caanaha hooyada waxay ka hor tagaan infakshanka noocyadiisa kala duwan

12. Caanaha hooyada waxay hodan ku yihiin  faytamiinadi ka hortagi lahaa “Inflammations” sida Vitamin C iyo E.

13.Caanaha hooyada waxaa ku jira wixii ka hortagi lahaa xasaasiyad inuu qaado ilmahaagu  “anti-allergic”, taasi oo yareyneyso cudurada qaar sida, neef qabashada , sanboorka, iyo cuncunka maqaarka ku dhaca kuwaasoo laga qaadi karo  caanaha xoolaha.

14. Caanaha hooyada waxaa ku jira antibody IgA kaso albaabada ka xidha borotiino qalaad in laga nuugo xiidmaha, kuwaasoo khatar ku noqon kara ilmaha yar

15.Ilmaha hooyadii naas nuujiso, waxu ka badbaada cudurka lafaha qaloociya ee “Rickets”, maxaa yeelay caanaha hooyada waxaa ku badan Vitamin D iyo Calcium/Phospate isku dheeli tiran

16. Caanaha hooyada waxay ka hortagaan in ilmaha ay ku dhacdo dhiig yaraan

– 17. Caanaha hooyada waxaa ku jira bir 2 jeer ka badan inta caanah lo’da ku jirta

18. Caanaha hooyada waxaa ku jira waxyaabaha fududeeya in birta si sahlan looga nuugo xiidmaha

19. Birta ku jirta caanaha hooyada saxarada ma soo raacdo sida  kan lo’da

20.Ilmaha la nuujiyay wu ka koriin fiican yihiin ilmaha aan la naas nuujin

21. Caanaha hooyada looga baqi maayo, inay uraan amaba sumoobaan ama u ku dhaco wax ia badal ah wan arin la yaab badan .

Mahadsanid

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here