Haddii Lagu Aamino Ka Fogaw Xatooyada. Qalinkii: Garyaqaan Cabdikariim sh. Maxamuud Cabdilaahi

0
24

 

Waxan manta doonayaa in maqaal kooban ku soo qaato xatooyada ka dhici karta dadka xilka haya haddii aanay ka taxadirin oo iska ilaain xaraanta iyo xumaanta ilaahayna ka cabsan.

Nin baa xafiis loo shaqo keenay waxaana warqada loogu qoray in intaa soo bilod musharkood la siiyo hor maris ahaan. waktigaa lacagta la bixin jiray way yarayd ma jirin computer iyo aaladan casrigii ee wax lagu qoraa, nin kii waxa loo dhiibay warqadii lacagta lagu siinayay si uu uga doonto xafiiska lacag bixinta shirkada. intaanu gaadhin meeshii lacagta laga qaadanayay ayuu is yidhi maad bilaha kordhisatid si lacagtu kugu badato wuxuu soo qaaday qalinka wax lagu masaxo ee korokshanka meeshii ayuu
mariyay wuxuu geeyay meeshii teebka waayo muu jirin computer, wuxuu Ku dul qoray bilo uu samaystay wuxuu geeyay meeshii mushaharka laga bixinayay, laakin markiiba waa lagu qabtay waxaana xafiiskii laga soo saaray warqadii original Ka ahayd Kadib, gabadh shaqaalihii Ka mida ah baa tidhi ninka isagoon shaqada bilaabin musuqmaasuq sameeyay bal aan eegno markuu galo shaqada wuxuu sameeyo Kadib, waxa loo dhiibay qaybta xisaabaadka inyar markuu joogayba wuxuu yidhi waxa layga xaday calculaterkaygii waa la yaabay maalinkii xigayna ninkii qolka la fadhiyay ayaa isna waayay, markii ninkii lagu yidhi waar maxaa adna kaa xaday calculaterka, wuxuu Ku jaabay ninkii dee ninkii kiisaba xadaa ana iga xaday!!!!!!!!!

 

Allaa mahad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here