Australia oo labo jibaaraysa samaynta hubka

0
17
.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Dowladda Australia ayaa sheegtay in ay dajisay qorshe ay kaga mid noqonayso 10-ka dowladeed ee adduunka ugu dhoofinta badan hubka noocyadiisa kala duwan 10-ka sano ee socda.

Hadda waxa suuqa adduunka ku gaddaa Australia hub qiimihiisu gaarayo $1.6 bilyan oo doolar, waxayna ku jirtaa kaalinta 20-naad adduunka.

Ra’isulwasaare Malcol Turnbull ayaa sheegay in warshadaha hubka la siinayo lacago deyn ah si ay sare ugu qaadaan iibka hubka ee seyladaha adduunka, wuxuuna intaas ku daray in qorshahan uu abuurayo shaqooyin badan.

Waxaa la sheegay in suuqyada ugu badan ee hadda wax loo dhoofinayo ay yihiin UK, Maraykanka, Canada iyo New Zealand, balse sidoo kale Bariga Dhexe iyo Asia iyaguna la bartilmaameedsanayo.

Wasiirka gaashaandhigga Australia Christopher Pyne ayaa sheegay in suuqyada ay hubka geynayaan ay ka fiirsanayaan.

Balse dadka dhaleeceeya qorshahan ayaa sheegay in Australia ay dhoofinayso geerida, islamarkaasna ka macaashayso dhiigga dadka.

Maraykanka ayaa ah dalka ugu badan ee dhoofiya hubka, waxaa xiga Ruushka, Shiinaha, Faransiisk, Jarmarka iyo Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here