Dowladaha Bangladesh iyo Myanmar ayaa wada saxiixday heshiis ku saabsan qowmiyadda Rohingya oo maamulka Burma uusan dooneyn in uu aqoonsado ama dalkaasi ku noolaadaan.
In ka badan 740 kun oo Rohingya ah oo u badan Muslimiin oo ka soo qaxay gobolka Rakhine ee Myanmar ayaa hadda qaxooti ku ah Bangladesh. Waxay dadkaasi oo dhan ka soo qexeen howlgal militari oo bilowday bishii August ee 2017-kii.
Qaramada Midoobey waxay ficilkaasi ku tilmaamtay “tusaalaha isir sifeynta”, balse dowladda Myanmar ayaa beenisay eedahaasi.
Hadda Maynmar waxay aqbashay in isbuuc kasta ay qaadato 1,500 oo Rohingya ah. labada dowladood waxay filayaan in tallaabadan ay xal u noqoto qalalaasaha, laakiin waxaa jiro walaac xun oo laga qabo waxa uu heshiiska dhigayo.
Muxuu heshiiska yahay?
Dadka sida rasmiga ah ugu lug leh xitaa ma fahmayaan waxa uu heshiiska yahay.
“Weli nooma kala cadda waxa uu yahay heshiiska dhexmaray dowladaha Bangladesh iyo Myanmar” ayuu yiri hoggaamiyaha bulshada Rohingya ee ku sugan xero qaxooti, Sirajul Mostofa, oo BBC-da la hadlay.
Waxaan ognahay in dowladda Bangladesh ay dooneyso in qaxootiga Rohingya ay dib ugu celiso Myanmar, laba sano gudahood.
“Labada dal waxay isku raaceen in dib u celinta ay noqoto mid aan qasab ahayn,” sida uu sheegay weriyaha BBC-da ee Koofur-bari Aasiya, Jonathan Head.
“Inta badan qaxootiga waxay sheegayaan in ay noqon doonaan oo keli ah haddii nabaddooda la damaanad qaado, guryahooda dib loo dhiso iyo in aysan la kulmi doonin takoor dowladda uga yimaada. Dhammaan arrimahaasi lagama hadlin.”
Wasiirka arrimaha dibadda ee Myanmar, U Myint Thu wuxuu laanta BBC Burma u sheegay in dib u soo celinta la billaabi doono 23-ka January.
“Sida uu dhigayo heshiiska, dhanka Bangladesh waxaa isbuuc kasta ay soo celin doontaa ugu yaraan 15,000. Dhanka dowladda Myanmar waxay xero kastaa dejin doontaa 150 qof ka dib marka la baaro.
“Laba xero ayaa maalin kaste la dejin doonaa 300 oo qof, sidoo kale isbuucii waxaa la geyn doonaa 1,500 oo qof. Iyadoo la eegayo horumarka laga gaaro arrinta, waxaan tixgelin doonnaa tirada qaxootiga ee la soo celiyo inta hannaanka uu socdo.”
Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dad aad u badan hal mar la barakiciyo in ay “si degdeg ah u sii badineyso dhibaatada ka dhalata tirada qaxootiga”. Haddaba tirada ma badatay?
Dowladda Bangladesh waxay dooneysay in qaxootiga Rohingya si degdeg ah loogu celiyo Myanmar; Wasiirkooda arrimaha dibadda Shahidul Hague wuxuu BBC Bangla u sheegay in ay doonayaan in Myanmar ay qaadato “15,000 isbuucii”.
“Hadda waxaan ku heshiinay in aan ku bilowno diridda 300 oo qof maalinkasta, laakiin dib u eegis ayaan ku sameyn doonnaa saddex bilood gudahood, tiradana waan kordhin doonnaa,” ayuu yiri Shahidul Haque said.
Ma noqon doontaa mid ay ku badbaadaan?
“Amnigeena waa in si caalami ah loo hubiyo. Haddii kale tan hadda socota nooma wanaagsano,” Mr Mostofa ayaa sidaa u sheegay BBC.
“Weligeen Myanmar kuma noqoneyno, in aan ku noqono waxaa inooga fiican in aan sun cabno oo aan dhimano,” waxaa sidaas BBC-da u sheegay nin Rohingya ah oo qaxooti ah.
“Haddii ay joojiyaan dhibaatada ay militariga nagu hayaan, markaas waan noqon karnaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Laakiin hay’adaha gargaarka waxay shaki wayn ka muujinayaan dib u celinta qaxootiga Rohingya.
Laura Haigh, waa cilmi baare arrimaha xuquuqda aadanaha oo ka tirsan hay’adda Amnesty International, waxay rumeysan tahay in “xaaladaha dlka Myanmar aysan xilligan ahayn kuwa lagu nabad gali karo haddii la celiyo dadkan”.
“Waa xaalad ay kala kulmi karaan faquuq iyo takoor qalafsan. Gobolka Rakhine waa meesha midab takoorka. Sidoo kale waxaan ognahay ololaha militariga ee rabshadaha ah, keliya kuma aysan guuldareysan in ay gartaan in ay baaraan dhibka ay geysteen ee waxay xittaa ku fashilmeen in ay gartaan waxa lagu eedeynayo, haddii si daacad ah loo hadlo.”
Rosena Allin-Khan oo u dhalatay Britain waa siyaasi, waxay ka shaqeyn jirtay arrimaha gargaarka, waxayna sheegeysaa in ay dad ku caawisay xuduudda Bangladesh iyo Myanmar kuwaas oo “si naxariis darro ah loogu geystay kufsi wadareed”.
“Waxay arkeen caruurtooda oo dab lagu dhexridayo, waxaana lagu qasbay in ay daawadaan nimankooda oo la dilaya ama la jir-dilayo”, ayey tiri.
Waxay sheegtay in ay muujisay walaaceeda ku aadan in dadka Rohingya dib loogu celiyo Myanmar iyadoo aan xaaladda la xallin. Waxay la mid noqoneysaa “in dib loo geynayo meeshii lagu dili lahaa”.
Rohingya ma heli doonaan dhalasho?
“Mudnaanteena kowaad waxay tahay – in ay na siiyaan dhalasho haddii aan nahay Rohingya” – waxaa sidaasi sheegay Sirajul Mostofa oo ah hogaamiye dhanka bulshada ah oo ka hadlyay heshiiskan.
Balse tani ma laga yaabaa in ay dhacdo ?
Markaad Rohingya ku qorto barta taariikhaha laga baaro ee Wikipedia ayaa waxaa kuu soo baxaysa sharaxaadan:
“Dadka Rohingya waa dad dal aan lahayn waxa ayna ku hadlaan luuqada Indo-Aryan waxa ayna ka soo jeedaan gobolka Rakhine ,ee dalka Myanmar.”
Muslimiinta Rohingya ayaa waxay yihiin tirada ugu badan ee muslimiinta ku nool Myanmar, balse dowladda ayaa inta badan waxaa hogaamiya dadka haysta diinta Budistaha , waxa ayna dadka Rohingya u diideen muwaadinimada iyaga oo xitaa ka saaray tirakoobkii 2014,diidayna in ay u qoonsadaan dad dalkaasi u dhashay.
Dowlada Myanmar ayaa u aragta dadka Rohingya in ay yihiin dad ka soo hijrooday Bangladesh, waxa ayna heshiiskan cusub imika u muuqadaa in uu yahay mid aan damaanad qaadayn in ay yihiin muwaadiniin u dhashay Myanmar.
Sidoo kale dowladda Bangladesh ma aqoonsano dadka Rohingya – mana u samaynayaan warqadaha dhalashada caruurta ku dhashay xerooyiinka qaxootiga ee Bangladesh.
Dib Ma u heli doonaan dhulkoodii ?
“Waa in ay dib noogu soo celiyaan dhulkeena ,” ayuu yiri Sirajul Mostofa .
Sida ay sheegtay hay’ada u dooda xuquuqul insaanka ee Humans Rights Watch ugu yaraan 354 tuulo oo ay degganaayeen dadka Rohingya ayaa qayb ahaan ama gabi ahaanba la burburiyay oo dab la qabadsiiyay 25 August 2017.
Marka maxay tahay rajada laga qabi karo in ay dib u helaan wax ay mar haysan jireen iyo xitaa in ay caddeyn u keenaan in markii hore ba ay iyaga iska lahaayeen ?
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Myanmar U Myint Thu ayaa sheegay in heshiiskani uu ku jiri doono meel ay deggaan .
Waxa sidoo kale jiri doona laba xero oo lagu soo dhawayn doono qaxootiga marka ay dib u soo laabtaan “waxaa sidoo kale uu dhisma ku socdaa saddex xero oo ay si kumeelgaar ah ugu nasan doonaan.
Waxaa la dhisi doonaa hay’ad gacan ka gaysan doonta arrimaha bina’aadanimada iyo dib u dajinta taasi oo ay hogaamin doonto hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Myanmar U Myint Thu ayaa sheegay in hay’adan ay sidoo kale fulin doonto qorshooyiin lagu dhisayo tuulooyiin cusub.
Dhisida tuulooyiinkan cusub ayaa muujinaysa in ay dib u helayaan dhulkoodii hore