Ciidammada Myanmar oo markii u horraysay qirtay in ay muslimiin laayeen

0
23
Tuulooyin dhan ayaa dab lawada qabadsiiyay intii ay rabshaduhu socdeenLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTuulooyin dhan ayaa dab lawada qabadsiiyay intii ay rabshaduhu socdeen

Ciidammada Myanmar ayaa markii u horraysay qirtay in ay ku luglahaayeen dilkii dhawaan loogaystay dadka Muslimiinta ah ee qawmiyadda Rohingya, arrintaasina ay ka dhacday gobolka Rakhine.

Milatarigu wuxuu sheegay in baaritaan uu sameeyay uu ku ogaaday in afar ka mid ah laamaha ammaanka ay ka qaybqaateen hawlgal 10 ruux lagu dilay oo ka dhacay tuulada Din oo u dhaw Maungdaw.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in afarta askari ay gacan siiyeen dadka tuulada si ay u qaadaan weerar aargoosi ahaa oo ka dhan ahaa wax ay ugu yeereen “Argagixisada Bengali”.

Myanmar ayaa lagu eedeeyay in ay hawlgallo isir sifayn ah ka wado gobolka Rakhine.

In kabadan 650,000 oo qawmiyadda Rohingya ah ayaa u baxsaday dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh tan iyo markii ay rabshaduhu qarxeen bishii Agoosto, waxaana laga soo sheegay warar xannuun badan oo ay ka mid yihiin dil wadareedo, kufsi iyo jidhdil.

Milatariga oo gacan ka helaya kooxo deegaanka ah oo is abaabulay oo Buddhiste ah ayaa lagu eedeeyay in ay gubayaan tuulooyinka ayna weerarayaan oo dilayaan shacabka.

Kumannaan qaxootiga Rohingya oo u qaxaya Bangladesh

Milatariga Myanmar ayaa diiday in uu shacabka bartilmaameedsanayo, wuxuuna ku adkaystay in uu la dagaalamayo malayshiyaadka Rohingya oo kali ah.

Myanmar ayaa saxafiyiinta iyo baareyaasha caalamiga ahba u diiday in ay tagaan gobolka Rakhine si ay baaritaan ugu sameeyaan eedaymaha tacadiyada.

Milatariga ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu baaritaan ku samayn doono xabaasha ay ku jiraan 10 ruux ee laga helay agagaarka Inn Din.

Natiijada baaritaanka oo lagu baahiyay barta uu Facebook ku leeyahay taliyaha ciidanka ayaa lagu sheegay in xasuuqaasi uu dhacay 2 Sabtembar.

“Waa xaqiiqo oo dadka tuulada iyo laamaha ammaankuba way qirteen in ay dileen 10 ruux oo ka tirsan argagixisada Bengali.” Magacaas ayayna caadiyan u adeegsadaan malayshiyada Rohingya”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here