MAXAAD KA TAQAANAA MAAYARKII UGU FIICNAA EE SOO MARA DEGMADA BERBERA IYO ARIMHII KHUSUUSIGA U AHAA(WARBIXIN)

0
17

Berbera(saxilnews.com)-Guud ahaanba shacbiga ku nool Gudaha Magaalada Berbera,iyo inta la socota Geedi socodkii Maayarada soo marey Degmadaasi Xukuumadihii isaga dambeeyay Somaliland,ayaa had iyo jeer sigaar ah ugu duugan Taariikhda iyo Sumcada uu ka tagey Magaala Xeebeeda Berbera,oo Xusuus raad adag leh ay ku yeelatey Geeridisii mid kamid ahaa Maayaradii ugu fiicnaa ee soo qabta Xilka Maamulka Degmada Berbera Illaahey Naxariistii jano ha Siiyee Marxuum Siciid Daa,uud Cilmi,waxa aanu bilawgii Maamulkiisa madaxa u dhigey Duruufo adag oo wakhtigaa caqabad ku ahaa Guud ahaanba Degmada Berbera.

Arimaha sida gaarka ah loogu xusuusto, waxa kamid ahaa in uu horaantii Maamulkiisa,ka dhabeeyay balanqaadkiisii u horeeyay markii uu Xilka Maayarnimo kala wareegay Maayarkii ka horeeyay Cabdi Musbaar taas,oo aheyd dhameystirka Jidka Madaarka oo burbur

weyni ka muuqdey islamarkaana, dhamaa 3200 Mitir wakhtigaas oo dhismaha jidadka iyo duruufaha ku lamaani aad ugu adkaayeen guud ahaanba Maayaradii dalka oo dhan islamarkaana, aaney jirin habayaraatee,wax taakulo ah oo dhinaca Xukuumadda dhexe iyo Hay,ado ajaanib ahi ka caawinayeen iyadoo ay adkaayeen Qalabka dhismaha jidadka iyo adeegyada kale ee lagu fuliyo sida ay maanta boqolkiiba boqol uga sahlan yihiin dhaqaale ahaan iyo helitaankooda labadaba.

Sidoo kale Arimaha sida weyn Shacbiga Reer Berbera,waxgaradka,waayeelka aqoonyahanka iyo Guud ahaanba Bulshada Gobolka Saaxil ay ku Xusuustaan Maayarkaa Geeriyoodey Xiligii uu soo qabtey Xilka Maamulka Golaha Deegaankii ka horeeyay Golaha Xiligan waxa kamid ah Dayntii faraha badneyd ee ay Sadex Maayar ilaa afar Maayar ay ku lahaayeen Ganacsatada iyo Shacabku saamaeyn dhaqaalena ku keentay Gudaha Berbera Maayaradaas oo kala ahaa Cabdale Xaaji Cali,Xasan Gadhweyne Cabdi Musbaar iyo Cabdale,waxaanu ku guda jirey islamarkii uu geeriyooday hawlo adag oo Xiligaa uu food saarey in uu wax ka qabto Gudaha Magaalada Berbera waxaanu khasnada Dawlada Hoose ee Berbera /200 milyan oo shilinka Somaliland ah iyo 40,000$ oo lacagta dollarka adag ee Mareykanka ah iyadoo arimaha aan marnaba lagu ilaawi karin ay kamid yihiin Cadaaladii Maamulkiisu la kawsadey,xaqsoorkii uu u sameeyay Ganacsatada Waaweyn iyo Dadweynaha kale oo hortii awood dhaqaale isku muquunin jirey,iyo waliba sidii uu uga warheyn jirey dadka Masaakiinta ah.

Allaha naxariistii jano haka waraabiyee Marxuum Siciid Daa,uud Cilmi oo Taariikh fiican iyo raad Wanaagsan kaga hoydey mudadii sanadka iyo dheeraadka aheyd ee uu hayey Xilka Maayarnimo ee Degmada Berbera halkan laguma soo koobi karo Waxyaabaha ay guyaal iyo guyaal dambe Shacbiga Reer Berbera ku Xusuusan doonaan mudadii koobneyd ee uu joogey waxa uu Magaalada Berbera kor u qaadey dhinaca Bilicda oo uu kala mid dhigey,in Berbera gudaheeda laga hirgaliyo Leydhka hareeraha jidadka Magaalada oo khashaafado waaweyn ah kaas oo ay ilaa hadda kaga duwan tahey Magaalooyinka kale islamrkaana ka turjumaya istaraatijiyad ahaan iyo qiimaha ay ku leedahey dalka.

Illaahay naxariistii jano haka waraabiyee Wuxu aha Marxuum karti iyo Dedaal badan oo aaney marnaba Taariikhdiisu ka duugoobeynin Xeebta Berbera iyadoo Maayarada Xiligan joogana looga baahan yahey in ay Taariikh dhaxalgal ah kaga tagaan Berbera marka laga reebo Mashaariicda GBLG iyo Fursadaha kale ee dhaqaale ee Xiligu u Saamaxey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here