Dadka lagu eedeeyay qaraxii Soobe oo maxkamad la geeyay

0
29
Qarixii SoobeLahaanshaha sawirkaREUTERS

Afar qof oo laga shakisan yahay ayaa la horgeeyay maxkamad ku taalla Muqdisho, waxaana lagu oogay eedo la xiriira weerarkii gaariga xamuulka loo adeegsaday ee 14-kii Oktobar ka dhacay Isgoyska Soobe.

Qaraxaasi oo ka dhacay suuq iyo isgoys aad u mashquul badan waxaa lagu dilay ugu yaraan 500 oo qof, sida dowladda Soomaaliya ay sheegtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa weerarkaas ku eedeysay ururka Al-Shabaab, inkastoo kooxda ay beenisay in ay masuul ka ahayd qaraxaas.

Kiiska afarta qof ee laga shakisan yahay ayaa si hordhac ah loogu dhageystay maxkamad ku taalla Muqdisho.

Qof shanaad oo laga shakiyay in uu weerarka ku lug lahaa yaan la hor keenin maxkamadda.

Dacwad oogayaasha waxay aaminsan yihiin in mid ka mid ah raggaasi uu ahaa “madaxa Al-Shabaab u qaabilsan qaraxyada Muqdisho”.

BBC oo booqatay qoyskii qaraxa Soobe lagaga dilay Maryam

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho wuxuu sheegay in raggan midkoodna aan si rasmi ah dacwad loogu oogin, waxaana la filayaa in markale dib loo dhageysto Khamiista.

Waxaa jiro warar sheegaya in caddeynta lagu hayo raggan aysan ahayn mid awood leh, “baarayaashana ay doonayaan in kiiska ay sii daba dheereeyaan si ay ugu muuqdaan dad wax sameynayo.”

Weerarkii Soobe wuxuu ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Soomaaliya intii uu socday dagaalkii sokeeye iyo midka Al-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here