GUDOOMIYAHA DALLADA DHALINYARADA SOMALILAND EE SONYO OO TALOOYIN USOO JEEDIYAY CIIDANKA POLICE-KA, KUNA BOGAADIYAY INAY JOOJIYEEN DHALINYARADII TIMAHA

0
24
Hargeysa(saxilnews.com)-Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Mr. Cabdicasiis Siciid Saalax ayaa ku bogaadiyay Ciidanka Police-ka Somaliland go’aankii ay maanta ku joojiyeen dhalinyaradii suuqyada lagaga xiirayay Timaha isla markaana waxa uu  Talooyin wax ku ool ah usoo Jeediyay Ciidanka Police-ka Somaliland talooyinkas oo ay haboontahay in la fuliyo inta aan talaabo sharciya laga qaadin dhalinyarada Somaliland ee la Baxa Fooda isla markaana  xidha saraawiisha ku dhajisan. 
Ciidanka Police-ka ayuu ugu baaqay Gudoomiyaha Dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO in ay ula dhaqmaan dhalinyarada  si fiican isla markaana ay ka daayan timaha ay kaga xiirayaan suuqyada, waxa kale oo uu Gudoomiyuhu sheegay in ay muhiim tahay in wacyigelin la siiyo dhalinyarada. 
Gudoomiayaha Dallada Sonyo, Cabdicasiis Siciid Saalax Baaq kooban oo uu soo saaray waxa uu ku yidhi. 
“Timaha Dhalinyarada Baylah fara badan oo ka muhiimsan baa jirta.
Dhalinyarada waxa haboon in la karaameeyo aan la cabudhin, lana hagardaamayn. Waayo qof waliba wuxu leeyahay xuquuq aasaasiya. Intaan fulin iyo timo jaris khasab ah la gaadhin waxa haboon talaabooyin dhowr ah oo ka horeeya:
1. In wacyigelin iyo waano ku filan la siiyo dhalinyarada
2. In iskuulada iyo meelaha adeegyada dad weynaha lagu baraarujiyo
3. In manhajka Somaliland laga dhigo mid soo saara dhalinyarada aynu doonayno ee inoo sawiran. 
4. In kaabayaasha horumarka dhalinyarada la maalgaliyo sida ciyaaraha iyo hanuuninta dhaqanka suuban. 
Sidaas daraadeed, waxaan ugu baaqaysaa laamaha amniga iyo cid kasta oo ku hawlan ololahan in lagu daro maskax furnaan iyo xog wadaag. Fal Fulintiisa lagu degdega masii waaro waxan haboon in laga tashado oo sida ugu haboon ee hawl kasta loo galayaa noqoto mid anfacda dalka iyo dadkiisa markaana yeelata midho dhal waara. 
Waxa ka mudan timaha dhalinyarada in wax laga qabto:
1. Qaadka iyo ka ganacsigiisa
2. Tuugta iyo kooxaha ku kaca xadgudubyada qorshaysan
3. In la ururiyo oo daryeelo darbijiifka
4. In kor loo qaado adeega waxbarashada assaaasiga ah
5. in shaqo abuur la sameeyo
6. In dhalinyarada Soo galootiga ah la sugo xogtooda, tiradooda iyo waxay ka shaqeeyaan” 
Waxa kale oo uu Gudoomiyuhu Ciidanka ku bogaadiyay talaabadii ay maanta ku joojiyeen go’aankii Timaha lagaga xiirayay dhalinyarada. Waxanu si kooban u yidhi” waan Soo dhawaynaya go’aanka ay ciidanku Maanta qaateen ee ah in ay joojiyeen talaabadii Timaha lagaga xiiraayay dhalinyarada suuqyada ee ay wadeen Ciidanka Police-k

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here