Muranka Qudus: Falastiin oo u yeertay danjiraheedii Mareykanka

0
16
Daawo: Qorshaha Trump ee Qudus ma guuleysan doonaa?

Falastiin ayaa shaacisay inay u yeertay safiirkeedii u fadhiyay Mareykanka si ay wadatashi ula yeelato, isbuucyo uun ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israa’iil.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas, ayaa sheegay inuusan aqbali doonin qorshe nabadeed oo hadda ka dib ka yimaada dhinaca Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Falastiiniyiinta Riyad al-Maliki ayaa sheegay inuu u yeeray ergeyga Ururka Xoreynta Falastiiniyiinta ee PLO ee u fadhiyay Washington Husam Zomlot.

Rabshado ayaa ka dhacay jiidda Qasa ka dib markii uu Trump ku dhawaaqay go’aankaasi.

13 falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay rabshadahaasi oo inta badan u dhexeeyay dibadbaxayaasha iyo ciidammada Israa’iil.

Mareykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee Qudus u aqoonsado inay tahay caasimadda Israa’iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee tallabadaasi qaatay tan iyo markii la alkumay xukumadda Israa’iil sanaddii 1984.

Trump markii uu ol'olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono QudusLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTrump markii uu ol’olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono Qudus

Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967, waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaan doonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here