Markasta oo aad aragto qof YouTube-ka dhaqaale ka helo ma weydiisaa: “imisaad ka heshaad?”
Evan Edinger oo lacag badan ka sameeyo ayaa sheegay “waxaan dadka u sheegaa qiyaas ahaan. Waxay ku filan tahay in aan kirada guriga iska bixiyo, mararka qaarna aan soo qaato cunto wanaagsan. ma xuma taasi”.
Wuxuu go’aansaday in uu sharaxo sida lacagta looga helo muuqaallada la geliyo YouTube.
Wuxuu arrintaasi la wadaagay malaayiinka qof ee daawada muuqaalladiisa YouTube.
1. Ku xiridda Xayeysiimaha
Tallaabada ugu horeysa ee YouTube-ka aad lacag uga heli karto waxay tahay “xayeysiimaha”, ayuu yiri.
Qeyb wayn ayey ka qaadaneysaa dhadhanka, laakiin inta waqtiga uu socdo oo ah marka YouTube ay ku lug yeelato, faa’iidada way sii yaraaneysaa.
Evan wuxuu arrintaa ku sheegay xayeysiinta aad aragto ka hor inta uusan kuu billaaban muuqaalka oo dhameystiran ee YouTube aad ka daawato.
Haddii kumannaan ay daawadaan xayeysiinta ku lifaaqan muuqaalka, qofka soo geliyay YouTube-ka waxaa la siinayaa lacag. Qiyaasta waa hal illaa shan dollar.
Balse, dhowaanahan taasi way yaraatay, YouTube waxay qaadaneysaa boqolkiiba 50, dhaqaalaha guud ee laga helo xayeysiinta, sida uu sheegay Evan.
Laakiin wuxuu sheegay in haddii si fudud aad u sameyso muuqaalka oo qiyaas ahaan hal milyan oo qof ay daawadaan, waxaa laga heli karaa $1,000 illaa $5,000 oo dollar.
2. Patreon
Dadka YouTube-ka muuqqaallada geliyo waxay isticmaalaan wax loo yaqaano patreon, sida uu sheegay Evan.
“Ka fikir sida in ay tahay sirta yar ee Online-ka,” ayuu yiri.
“Waad arkeysaa muuqaalka, haddii aad jeceshahay ama haddii aadan ka helinba, laakiin haddii aad jeclaato, aadna doonayso in aad taageerto, waxaad bixineysaa hal dollar muuqaalkiiba, ama hal dollar bishii”.
Qaar ka mid ah dadka YouTube-ka ku xiran waxay sameysteen meel iyaga u gaar ah, halkaas oo macaamiisha lacagta bixisay ay ka heli karaan muuqaallo gaar u ah.
“Waxaan patreon isticmaaalayay muddo sannad ah, daawadayaasha lacagta bixiyay ayaa arki karaan muuqaalladeyda, xilli hore ayeyna daawadaan. Mararka qaar su’aalo ayey i weydiiyaan. Way fududahay, mana filayo waxkale”, ayuu yiri Evan.
3. Ku xir lifaaqyo kale
Tani waa in ay noqoto wax la xiriiro dharka iyo waxyaabaha dumarka ay isku qurxiyaan. Waana xilliga ay YouTube arrintan si gaar ah ugu xiraan alaabaha kala duwan ee qoraalka la socda, waxayna u furaayaan waddo ay ku sii socdaan oo xayeysiin ah.
“Ma ahan oo keliya in ay ku faraxsan yihiin xayeysiinta, balse waxay helayaan saami gaaraya 5-20 boqolkiiba,” ayuu yiri Evan.
Marka waa ka mahadcelin ah in alaabta ay dadka kale gaarsiiyeen. Haddaba, haddii aad alaab ka iibsato bar internetka ah oo aad ka aragtay lifaaqa YouTube-ka qof kale, waxay u badan tahay in ay lacag ka helaan.
4. Ganacsiga
Alaabta kala duwan sida barfuunnada, dahabka, dharka, dahaarka ama qolofka telefoonnada iyo waxyaabo kale, dadka YouTube soo geliya waxay ka helaan lacag badan. Tani uma baaahno sharaxaad dheeraad ah.
5. Xayeysiinta shirkadaha
Heshiisyada shirkadaha waa waxa ay Dadka YouTube-ka ku xiran ay lacagta ka sameeyaan, ayuu yiri Evan.
Waa xilliga ay shirkadaha lacagta siiyaan dadka YouTube-ka ku leh taageerayaasha badan, si ay muuqaal ku saabsan alaabtooda u sameeyaan. Waxaa loogu bedelaa taasi dhaqaale ad u badan.
“Waxaad ka heli kartaa lacag 12 jeer ka badan midda laga helo xayeysiimaha kale ee lagu xirto muqaallada ee loo garanayo AdSense. Taasi waxay kuula muuqataa la yaab, balse waa run”, ayuu yiri Evan.
“Nin aan isla deggannahay wuxuu heshiis $20,000 oo dollar ah ka helay shirkad uu magaceeda u xayeysiiyay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Wuxuu sheegay in midda ugu wanaagsan ay tahay heshiiska iyaga loogu ogolaanayo in ay wax u sameeyaan. Waxayna sameeyaan muuqaal aysan shirkadaha sameysan karin iyaga la’aantood.