Cilmi baaris cusub oo la sameeyay ayaa lagu shaaciyay in heerkulka dhulka wax soo saarka leh ee aaduunka uu sababay in uu sare u koco dadka magangalyo doonta ah ee soo galaya qaaradda.
Heerkulka waxa uu hadda ka sare maray 20C , waxaana la sheegay in uu sare usoo kici doono.
Sanad kasta waxaa Yurub arji ka dhiibataa dad gaaraya 660,000 qof oo magangalyo doon ah.
- ‘Diidmada Trump ee heshiiska cimilada loo joojin maayo’
- Antonio Guterres oo ka digay khatarta isbadalka cimilada
Intii u dhaxaysay sanadkii 2000 illaa 2014-kii waxaa arjigooda gudbiyay dad dhan 350,000 qof oo soo galooti ah sanad kasta.
Waxaa daraasadda lagu sheegay in aad loo rumeysanyahay in dadka oo batay ay ugu wacantahay dalalka adduunka, gaar ahaan kuwa beeraha leh , ee cimiladu aad u kulaalatay.
Sii kululaanshaha adduunka ayaa ah halis saamayn ku yeelanaysa nolosha dadka iyo duunyadaba dhan kasta