Baadariga ugu sareeya madaahibta Catholic-ga ee masiixiyadda, Pope Francis ayaa ku baaqay “nabadda Qudus” iyo wada hadal dhexmara Falastiin iyo Israa’iil.
Isagoo garwaaqsaday “xiisadda sii kordheysa” ee labada dhinac ka dhexeysa, wuxuu ku booriyay in ay yeeshaan “wada xaajood xal raadin ah… kaas oo ogolaanaya wada noolaansho nabadeed oo u dhexeeya labo dal”.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, wuxuu dhowaan ku baaqay in Qudus uu u aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.
Tallaabadaas ayaa la kulantay dhalleeceyn caalami ah oo kaga timi dalalka Muslimiinta iyo wadammo kale.
Isbuucii la soo dhaafay, Xubnaha golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa si aqlabiyad ah u taageeray qaraar lagu cambaareyay go’aankii Trump.
- Erdogan: Qudus waa “in ay noqoto caasimadda Falastiin”
- Afar Arrimood oo laga fahmay go’aankii Trump ee Qudus
- Qudus: “Dharbaaxada qarniga” iyo Jawaabta Bariga dhexe
Qaraarka wuxuu dhigayay in go’aan kastoo ku wajahan mansabka Qudus uu yahay “mid aan waxba ka jirin”, ayna tahay in la joojiyo.
Falastiiniyiinta waxay doonayaan in bariga Qudus ay noqoto caasimadda mustaqbalka ee Falastiin. Dalal badan ayaa arrinta Qudus ka noqday dhexdhexaad, waxayna safaaradohooda ka fureen magaalada Tel Aviv.
Hoggaamiyaha Catholic-ga ayaa hadalka baaqa ah jeediyay intii uu waday khudbadiisa uu ugu talagalay munaasabadda ciidda masiixiyadda ee maanta ah.
“Munaasabadda maanta, aan Alle ku weydiisano nabadda Qudus iyo dhammaan dhulka barakeysan,” ayuu yiri.
“Aan ku duceysano in rabitaan wada hadal nabadeed uu Alle dhex dhigo dhammaan dhinacyada, iyo in ugu dambeyn la gaaro wada xaajood uu xal ka dhasho. Mid fududeynaya in ay nabad ku wada noolaadaan laba dal oo leh xuduud ay ku heshiiyeen, caalamkuna aqoonsaday.”
Mareykanka ma keli buu ku yahay go’aankii Qudus?
Dalka Guatemala ayaa sheegay in safaaradiisa uu u raraya Qudus, ka dib shaacintii Donald Trump.
Waxay ku biirtay Mareykanka iyo Israa’iil iyo dalal kale sida, Honduras, Jasiiradaha the Marshall, Micronesia, Nauru, Palau iyo Togo, kuwaas oo ka soo horjeestay qaraarka Qaramada Midoobey ee lagu cambaareeyay Trump.
Sikastaba, 128 dal ayaa taageeray qaraarkaasi oo Mareykanka ka dalbaday in uu ka noqdo go’aanka uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa’iil.
Maxay tahay doodda ragaadisay xaaladda magaalada barakeysan ee Qudus?
Arrinta Qudus waxay xuddun u tahay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo taageero ka heleysa dalalka Carabta iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.
Magaaladan waxay meel barakeysan oo diimeed u tahay Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, si gaar ah bariga magaalada Qudus.
- Dal Afrika ku yaalla oo taageeray go’aankii Trump ee Qudus
- Qudus: Trump oo u digay dalalka uu deeqda siiyo
Israa’iil ayaa qeybtaasi Bariga ka qabsatay Urdun ka dib dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, waxeyna magaalada oo dhan u aragtaa in ay tahay caasimaddeeda aan la kala goyn karin.
Sida uu dhigayo heshiiskii nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin ee 1993, marxaladda magaalada Qudus waxay ahayd in looga doodo kulamadii ka dambeeyay midkii lagu saxiixay heshiiskaasi.
In Qudus ay leedahay Israa’iil weli caalamka muusan aqoonsan, dunida oo dhanna waxay safaaradohooda ku yaallaa Tel Aviv.
Tan iyo 1967, Israa’iil waxay Bariga Qudus guryo badan uga dhistay qiyaastii 200,000 oo Yahuud ah. Caalamka ayaa deegaameyntaas u arka mid sharci darro ah, In kastoo Israa’iil ay diiday arrintaas.
Haddii Mareykanka uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil taasi waxay noqoneysaa in guryaha bariga Qudus ay sharci u leeyihiin Bulshada Yahuudda.
Arrinta waxay salka ku haysaa laba dal
Marka la is hor fariisto, su’aasha ma noqoneyso in caasimadda Israa’iil ay tahay Galbeedka Qudus? Balse waxaa laga doodi doonaa in dhulka lahaysto ee Bariga Qudus ay noqoto caasimadda dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin.
Mr Trump ayaa arrintaasi ka dhigay mid macquul ah isagoo sheegay in maamulkiisa uusan go’aan rasmi ah ka qaadan goobaha barakeysan, “sida xudduudaha ay Israa’iil u madax bannaan tahay ee Qudus, ama xallinta goobaha la isku haysto”.
Taasi waxay muujineysaa in Falastiiniyiinta ay sheegtaan Bariga Qudus weli looga hadli karo wada xaajoodyada. Balse ma uusan kala cadeyn Mr Trump arrintaa, sidoo kale ma uusan ka hadlin in ujeedada ugu dambeysa ay tahay in la helo laba dal oo deris wanaag uu ka dhexeeyo.
Taasi bedelkeeda, wuxuu sheegay in Mareykanka uu taageerayo xalka noocaas ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan: ma ahayn sinnaan la’aanta ay Falastiiniyiinta raadinayeen.
Ugu dambeyntii Trumo waxba uma ballan qaadin Falastiiniyiinta, hadalkiisa oo dhanna wuxuu ahaa mid uu ku taageeray, awoodna ku siiyay Israa’iil.