MADAXWEYNAHA CUSUB IYO XUKUMAD UU SOO DHISAY IN LA DHOWRA LIXDA BILOOD EE UGU HOREEYA WAA LAGAMA MAARMAAN?

0
19

Madaxaweynaha Cuusub iyo Xukumada uu soo Dhisay in la DhowraLixda Bilood Ugu Horeeya WaLagama Maarmaan ?

 Somaliland waxaa  had iyo jeer ku caan tahay in markiiba cid kasta oo madax dalka ka noqota in beryaha hore lagu  kaco  oo in yar oo kooban ummda ka mid ahi  wax yaalo badan oo aan  surto gal ahayn in wakhtii yar  in wax laga qabto uun in farta ku fiiqan ama guud ahaanba inta badan aynu  hadal hayno  si joogto ah oo aan ka daalis iyo ka caajis lahayn .Sida  Reer hebel ayuu Wasiiro badan siiyey ?iyo sxbkiisi hebel ee  la soo Dagaalamay waxba muusiin ee waxa uu kaga dhaqaaqay cidla ,Ragii kurisiga saarey Albaabadau ka xidhay markuu kursigii  isku hubsaday iwm.  Dhamaan odhaah,yada iyaga ahi waa kuwa aynu in badan isku daalino  Wakhti, badan iyo hawlo badan aynu ku seegno  si guud ahaaneyd  .Inta badanmarkiiba  ma is weydiino  Su,aasha ah “Shikhsiyaadka Madaxweynaha cusub u  soo xushay inay noqdaan Golahiisa waiirada  sow maha Muwaadiniin mudan in xil loo dhiibo amaba Xil qaban kara noocu doono ha noqdee”.  Kuma mashquulo  waxyaabaha mudan in laga hadlo lagana doodo ay ka mid yihiin in marka Madaxweynaha cusub Xukumadiisa uu soo dhiso Qof kasta iyo ku dhamaanba Ummada waxa inagu waajib ah in  is garab taagid iyo ku faraxa Xukumada Madaxweynu  cusub  soo dhisay iyo soo dhaweynta Shiikhsiyaada uu soo xulay inay noqdaan Golihiisa Wasiirada. 

Marka Dalka Hogaankiisa ay qabato Madaxda cusub Wakhti bay u baahan tahay  ama ku qaadaneysa ay  kaga baaran degto  arimihi is barkanaa ee ay kala wareegtay Madaxdii hore Dalka Hogaanka u haysay . Ka dibns halka madaxda cusuc ee dalku  ku dhaqaaqdo sida ugu Haboon ee uguna, Hufan ee waxii  Madaxdiid  hore Dalku ku wareejiyeen ay wax uga qaban laheyd una Waafajin lahayd  Hanaanka, Siyaasdeed iyo Habka   Maamul ee Madaxda cusubi hindisan yihiin inay ku Hogaanshaan Dalka inta Muddo xileedkoodu  kaga eeg yahay.

Dawlad Ummadeed  aanay u jajabneyni noqon mayso Dawlad hana qaada oo la mahadsho wax qabakeed iyo hirgalkeeda dhismeedba Dawlad looga baahan yahay inay yeelato  ,waxayna ka dhigan tahay Dawlada aan Ummadeed garab taagini sidii  maaha maahdii odhan jirtay  “ Hal Ninkii lahaa Dibka hayaa ma kacdo” Dawaladnimad Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummada dheeg kasta oo aad ka eegto iyo maah maahda iyada ahi waxa wey bay wadaagan , sida  halku dhigyada aann kor ku xusan

Tusaale ahaan wakhtigii Xukumadii Axmed siilaanyo  dheeliday ee  hadan sii dheeliday ummadu waxay si  wada jir ah u muujisay in Axmed siilaanyo ahayn axmedkii la doortay  2010 isla markaan uu Dalku, u bahaan yahay Hogaan aan Axmed siilaanyo ahayn  Xisbiguu doono ha ka yimaadee  dalkan doorasho ka dhacdo . Ta kaliftay in Ummadu mar kaliya ka soo boodo Axmed siilaanyo ma ahayn nicitaan ay Shikhsiyan neceb yihiin ee waxa  Hogaankii  iyo Maamulkii  Dalka lagu arkey farro kale oo ku yaal  markaa Ummadu waxay tidhi mar qudha Dalka Hogaankiisa iyo maamulkiisa fulinta waxaynu u doorayn in axmed siillanyo uu ahaado ka jaan –goyn ee waa maxay faraha kale aan la dooran ee sida  Dadban inoo hogaamniya  halkaan uu ka bilowdey  daraskii Ummadu ka qaaday Xukumadii siilaanyo  in kasto ay wakhti dheer shaqeysay faraha aan Ummadu aaney igman ee hadana sida xeeladeysan  Hogaanka Dalka u hayey una  Maamulyey wakhti ah 7 sandood iyo wax la jira .

Waxaa la soo gaadhay Kaalintii doorashada Ummada Muwaadininta ah ee shacabku si wanaagsan  oo sharaf iyo karaamo ah ayeey u guteen inay ka soo baxaan waajibkii Dastuuriga ah ee inay codkooda u dhiibtaan si wanaagsan oo xasilan oo dadaal iyo karti aqoon, bislaan ummadeed ku jirto  ha kala taageeran xusbiyad taasi waa shikhsi iyo dookh iyo wax ku doortay ta guud ee  waa ka soo dhalaashay Ummadu  waa mid mar walb aynu alle ugu mahadineyno  Nabad iyo kala danbeynta ,u hogaansanka nadaamka loo codeynaayo iyo is xaq  dhowrida ummda dhexdeed ee wada codeyneysa hadana u kal codeyneysaa ,in badan waa sugeysay in doorashdu dhacdo ummadu  oo wakhtigeed  in badan bay dhaafty waan sii dhaafatay ha yeeshe waxaas oo dhan waxaa ina ilawsinneyey Bislaanta iyo Aqoonta baahsan ee waayo aragnimo ee Ummadu inteed badani leedahay waan  inta badan guulah aynu ku gaadhno gaar ahan Jamhuuriyad Somaliland iyo Ummadda .

                           Dawlada Cusub ee maanta dhismaheed seeskeedii bilogah yahay .

Waxaa Ummada  ahaan inagu  waajib ah inaynu la shaqeyno  wakhtina la siiyo Madaxda cusub ee Dalka, ee uu Madaxweynuhu JSL ugu horeeyo kuna xigaana Golah Wasiirada iyo inta kale lagu qurxiyo Dawlad iyo  Ha,yadheed Dawaliga ah . Ma ah Ummad ahaan in waxii in badan aynu u soo dhabar adeygeyney in markiiba hadan aynu ka soo boodno  inagoo hali karna inaynu muddo siino Madaxda Cusub iyo hananka siyaasiga ah ay  doorbidayaan in Dalka Horumarkiisa iyo Hanaankiisa Dawaldnimo Horumar u horseedi  kara , Muuse biixi iyo dawlada uu hada dhidibad u taagay wali 20 cisho ma gaadhin hadana   kuwii  awilb u taagnaan jiray  karaamo ridka Ummada ayaa durtab  wwaxoodii bilaabay ugu yaraan 6 bilood waa wax mac- quul ah  markaa ka dib hadal iyo wax sheeg waa waajib in ummadu dib eegis ku sameeyso madaxda cusub iyo sida ay wax u wadaan .

Hadii ay ina qancin waayaan haa waxaa Ummada  ku waajib ah inay gudato  waajibaadka saran  ee ah waxii ay u doorteen ee baahi laha ee in la weydiiyo  Madaxda weynah iyo  dawaladiisu sababtay wax uga qaban waayeen? . Sida aan anigu aaminsanahay wali wax aynu ku jira Wakhtigii soo dhaweynta iyo  Hambalyeeynta  Maxadweynaha cusub  la dooratay 13 Bishii 11 ee sanadkan ee Muuse biixi cabdi ee maynaan gaadhin xili dubu Eegiseed  ee  aynu mar xabeysiin Dadweynah iyo Dawlada uu soo dhisay oo aynu ka deyno Han-goolka fararada gamuuran ee aynu markiiba ku fiiqaynu .

Jamhuuriyad Somaliland iyo Ummadeed iyo Islaamka idil ahaantiib  Alle Ayaan uga Baryeynaa  Nabad,Horumar iyo Wada jir mid Diineed iyo mid Ummadeedba .

Alle  ha ka qaado inta Dhibaatada  Dagaalada ,iyo Coladaha, Gaajada iyo Xanuunada Ummadaha Islaamka guud ahaantood u gaar  iyo Khilaafadkaba.

Waa Bilaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here