Khilaafka Soomaalida iyo Oromada oo baarlamaanka Itoobiya saameeyay

0
18
Ra'iisul wasaaraha ItoobiyaLahaanshaha sawirkaAFP

Xildhibaannada ka soo jeeda Amxaarada iyo Oromada ayaa qaadacay kullanka baarlamaanka Itoobiya iyagoo “ka careysan” rabshadaha u dhexeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Waxay sheegayaan in aysan jirin sabab uu baarlamaanka u kulmo illaa Ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn uu ka bixinayo sharaxaad ku saabsan qalalaasaha u dheexeeya qowmiyadaha ee dalka ka taagan.

Amxaarada iyo Oromada waxay muddo ka dibadbaxayeen waxa ay ku tilmaameen faquuqa siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ay sheegeen in si gaar ah iyaga loogu hayo.

Sidoo kale, muddo bilo ah waxaa socdo dagaal dad badan ay ku dhinteen oo u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada.

Isbuucii la soo dhaafay, ugu yaraan 60 qof oo Soomaali ah ayaa lagu dilay gobolka Oromada.

Arbacadii, xisbiga talada Itoobiya haya ayaa golihiisa fulinta ku eedeeyay in ay daciifnimo ka haysato dhanka xallinta rabshadaha dalka taagan.

Deegaanka Soomaalida oo ka hadlay dadkii deegaanka Oromada lagu laayay

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlay TV-ga dalkaasi ayaa sheegay in dadka Soomaalida ah “lagu laayay xero boolis dhexdeeda”.

Wuxuu ka tacsiyeynayo dhibaatadii ka dhacday gobolka Jirro ee maamulka Oromada Itoobiya.

Sida wararka ay sheegayaan, waxaa halkaasi lagu dilay “in ka badan 100 qof”, balse Ra’iisul wasaaraha ma uusan sheegin tirade rasmiga ah ee la dilay. Laakiin Hailemariam Desalegn wuxuu carabka ku adkeeyay in dhibaato badan ay ka dhacday goobta.

Wuxuu dhacdada ku tilmaamay “dil wadareed ka dhan ah dad shacab oo Soomaali ah”, kuwa dilka geystayna wuxuu ku tilmaamay dembiilayaal.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in guddi loo saaray arrinta si ay u soo baaraan ka dibna wuxuu sheegay in waxa sharciga uu ka qabo lagu qaadi doono kuwa dembiga uu ku caddaado.

Sidoo kale. waxaa la shaacin doonaa sida dhibaatada ay u dhacday iyo dadka geystay, sida uu sheegay Hailemariam Desalegn, ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

In kastoo weli cabsi badan ay ka dhex jirto labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, hadana waxaa la geeyay ciidammo aad u badan meelaha ay rabshadaha ka dheceen.

Oromo lagu eedeeyey inay Soomaali laayeen

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 qof oo ay sheegeen in ay ahaayeen dad maxaabiis ah.

Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa BBC u sheegay in markii dadkaas la laayay ka dib lagu riday meel god ah.

Muxuu dagaalka salka ku hayaa?

Soomaalida iyo Oromada gobolladooda waa kuwa ugu waawayn Itoobiya. Oromada waa qowmiyadda ugu badan Itoobiya, waxayna u dhigmaan seddax meelood, meel ka mid ah shacabka dalkaasi.

Soomaalida waxay shacabka Itoobiya ka yihiin boqolkiiba lix.

Taariikh ahaan, xiriirka Soomaalida iyo Oromada waxaa saameeyay khilaaf la xiriira dhulka iyo khayraadka sida daaqa iyo biyaha. Dagaalka wuxuu sababaa in kumannaan kun oo qof ay guryahooda ka barakacaan, labada dhinacba.

Sanadkii 2004, afti la qaaday ka dib, 80 boqolkiiba 420 deegaan ee lagu muransan yahay, waxaa la siiyay Oromada. Ka dib go’aankaasi, tobannaan kun oo Soomaali ah ayaa qaxay, iyagoo ka baqayay rabshado.

Go’aankaasi weli lama meelmarin, taasina waxay ka mid tahay arrimaha sababta u ah rabshadaha hadda taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here