SAXILNEWS.COM JAPAN OO SARE U QAADAYSA CUNAQABATAYNTA KUURIYADA WAQOOYI

0
19

Japan:-(saxilnews.com) Dawladda Japan ayaa cunaqabataynno horleh saartay Kuuriyada Waqooyi iyada oo isku dayaysa in ay Pyongyang caddaadis ku sii saarto barnaamijkeeda nukliyeerka iyo gantaallada.

Yoshihide Suga oo ah madaxa gollaha wasiirrada Japan ayaa sheegay in ay fariisinayaan hantida 19 shirkadood iyo shaqsiyaas.

In kabadan 210 urur iyo shaqsiyaad u kala dhashay Shiinaha iyo Ruushka ayaa hadda la bartilmaameedsan doonaa.

Ganacsiyada ay arrintan saamaynayso waxaa ka mid ah bangiyo, ganacsato ka shaqaysata dhuxusha iyo macdanno kala duwan iyo shirkaddo gaadiid.

Sii ballaarinta xayiraadda ayaa imanaysa ka hor shirka Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhici doona Jimcaha.

Japan ayaa sheegtay in ay soo wajahday “halis joogto ah oo aan horray u soo marin” ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay xadka Japan ku tijaabisay gantaal riddo dheer oo qaaradaha isaga kala goosha bishii Sabtembar.

Japan ayaa horay cunaqabataynno u sii saartay Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo ay ka mid yihiin in aan wax xiriir ganacsi ah lala samaynin iyo in aysan dakadahooda sinaba u adeegsanin.

Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa sidoo kale cunaqabatayn wada jir ah saaray Kuuriyada Waqooyi, kuwaas oo dheeri ka sii ah cunaqabataynnada ay Qaramada Midoobay saartay.

Kulanka Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Jimcaha dhacaya ayay ujeedadiisu tahay sidii loo helilahaa hab nabadeed oo Kuuriyada Waqooyi caddaadis loogu saaro sidii ay u hakin lahayd nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer iyo sidii gacanka Kuuriya looga dhigi lahaa mid ka madax bannaan Nukliyeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here