Boorama :-(saxilnews.com) Haayada Havoyoco waxa ay ka mid tahay haayadaha waaweyn ee wadaniga kana hawl gala gudaha Somaliland isla markaasina mashariico horumarineed oo tayo leh ka hirgalisay Guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, Mashariicahaasi horumarineed ee ay haayadu fuliso marka laga yimaado waxa jirra xarumo waxbarasho kuwaasi oo ay maalgaliso isla markaasina lagu barto xirfaha farsamada gacanta oo ah cilmi dihin isla markaasina aanay bulshadeena barashadeedu ku yar tahay.
Agaasimaha guud ee haayada Havoyoco mudane Cabdilaahi Maxamuud Xasan ayaa waxa uu kormeer ku tagay xarunta haayadu ku leedahay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, gaar ahaan goobta lagu barto xirfaha kala duwan, waxaana markii uu agaasimahu gaadhay xaruntaasi si milgo leh u soo dhaweeyey madaxda xaruntaasi iyo sidoo kale ardayda wax ka barata oo isugu jira haween iyo dhalinyaro intaba.
Koormeer indho indhayn ah ka dib waxa uu agaasimahu dhalinyaradii baranaysay xirfadahaasi uu u soo jeediyey khudbad dar-daaran iyo dhiirigalin kaasi oo ku hogo-tusaaleeyey muhiimada ay leedahay waxbarashadu gaar ahaan xirfadaha farsamada gacanta oo si fudud lagu baran karro si fududna loogu hawl gali karro, agaasime Cabdilaahi Maxamuud Xasan waxa uu sidoo kale tilmaamay in barashada xirfadaha gacanta lagaga badbaaday shaqo la’aanta baahsan ee wadanka ka jirta, sidoo kale waxa uu balan qaaday in ay ka haayad ahaan xooga saari doonaan hirgalinta xarumahan iyo kuwo kale oo lagu baran doono xirfadaha farsamada gacanta.
ugu dambayntii Haayada havoyoco ayaa kaalin lixaad leh kaga jirta horumarinta bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana haayada hormuud u ah dhalinyaro aqoon yahan ah kuwaasi oo kow ka yahay agaasimaha guud ee haayada Cabdilaahi Maxamuu Xasan.